Muran Siyaasadeed Oo Ka Dhex Curtay Muqdisho iyo Nairobi iyo Soomaaliya Oo Ku Adkaysatay Dacwad Ay Ka Gudbisay Kenya

0
323

Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Muran siyaasadeed ayaa mar kale soo kala dhex galay dawladaha Muqdisho iyo Nairobi ka dib markii Kenya ay ku adkaysatay in ay dhisayso dayrka ay iskaga xidhayso soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya iyo Soomaaliya oo dhankeeda ku dheggen dacwadda ka dhanka ah Kenya eek u wajahan muranka badda.

 

Xukumadda Soomaaliya ayaa hore maxakamadda caddaaladda ee The Hague waydiisatay inay go’aan ka gaadho muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee ku aaddan xuduudka badda ee u dhexeeya labada dal, halkaasi oo la isku maandhafsan yahay, waxaana arrinta sii murgiyay khayraad dabiici ah oo halkaasi laga helo.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia ayaa lagu yidhi “Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay weli ku adkeysaneyso, ayna ka go’an tahay kiiska sharciga iyo dacwada ah ee Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka Badaha (UNCLOS).”

 

“Maal-gelinta caalamiga, barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Somalia iyo dalalka dariska ah wuxuu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan, waxaanan u taagan-nahay, kuna ad-keysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.

 

Kenya oo sheegtay in Somalia ka noqotay Dacwadeeda Maxakamadda The Hague

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya, Aamina Maxamed, waxay u sheegtay Baarlamaanka Kenya in ay Dowladda Soomaaliya ka heshay ballanqaad muujineya in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay la soo noqoto dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ku saabsan muranka soohdinta badda, si khilaafka looga dhammeeyo dhexdhexaadin ka baxsan maxakamadda qaramada midoobay oo haatan diyaarinaysa inay dacwaddaasi dhegaysato.

 

Siddeed goobood oo ay Kenya shaacisay in shidaal laga baadhayo oo ay qaar heshiis kula gashay sharikado, 7 ka mid ahi waxay ku yaallaan badda lagu muransan yahay. Mid keliya ayaa ah badda loo aqoonsan yahay Kenya.

 

“Xukumadda Federalka ah ee Somalia waxaanu ka helay balan qaad ah inay kiiska ay u gudbiyeen New York ee inaga inaga dhanka ah la soo noqonayaan, si meel dibadda ka ah maxakamadda loogu xalliyo arrinta” ayay tidhi Aamin Maxamed Wasiirka Khaarajiga Kenya oo la hadlaysay baarlamanka dalkeeda.

Warbaahinta Business daily oo baahisay warka wasiirka khaarajiga Kenya arrintan kaga hadashay ayaa sheegtay in Kenya 8 goobood oo Salliidda iyo gaaska qani ku ah heshiis kula gashay kambaniyo waaweyn balse sideeda goobood 7 ka mid ah ayaa ku yaala aagga lagu muransan yahay.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

abafgaab@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here