Xukuumadda Oo Laba Is-diidan Sheegtay In Ay Wada Qaadatay iyo Jawaabta Mucaaridka

0
419

 

Muran siyaasadeedkii doorashooyinka oo markale siraadmay iyo kala fogaanta xukuumadda iyo KULMIYE labada Xisbi Mucaarid..

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- tan iyo markii ay golaha Guurtida Somaliland muddo kordhinta u sameeyeen Xukuumadda iyo golaha Wakiilada waxaa Somaliland ka bilaabmay muran siyaasadeed ku aadan xilliga ay dalka ka qabsoomayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo golaha wakiiladu,taasina waxay keentay in ay isku mudhuxsadaan guurtida iyo mucaaridka oo ku eedeeyay guurtidu in ay samaysay muddo kordhin aan ka turjumayn waaqaca dhabta ah ee jira.

Muransiyaasadeedka oogmay ayaa markii dambe Xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda KULMIYE waxay gogol wada hadal u fureen labada xisbi mucaarid wada hadalada ay Xukuumaddu gogoshooda dhigtay ayaa iyaguna soo maray marxaladu gaadhay xiliyada qaar in lagu kala koco oo wax is-afgarad ah lagu gaadhi waayay iyadoo ay dhacday in kulankoodii labaad oo la sugayay in ay wax isku af-gartaan mucaaridka iyo Xukuumaddu oo lagu kulmay guriga Madaxweyne ku-xigeenka in lagu kala koco oo labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE iyo Xukuumadduna isku meel iska taagaan kulankaa halka xisbiga WADDANI uu isna dhanka kale iska taagay isla markaana ku tilmaamay in aan wax heshiis ah la wada gaadhin wada hadaladiina bur bureen oo ay ka bur bureen dhanka Xukuumadda farriinna uu xisbiga WADDANI u diray beesha caalamka iyo dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka.

Habeenkaa haddii sidaa lagu kala tegay waxaa mar kale isla maalinnimadii kulan ay ku wada yeesheen sadexda Xisbi qaran iyo Xukuumaddu qasriga Madaxtooyada lagaga dhawaaqay heshiis rasmi ah oo ay wada gaadheen labada xisbi mucaarid iyo Xukuumadda iyo xisbigeedu taasoo lagu sheegay in doorashooyinku ay qabsoomaan Desenber 2016 taasoo laga soo raray wakhtigii guurtidu u astaysay oo ahaa in ay doorashooyinku qabsoomaan Mar 2017.

Heshiiskaa ay wada gaadheen mucaaridka iyo Xikuumadda iyo xisbigeedu ayaa loo arkayay mid soo afjaraya muranka siyaasadeed habeenkii uu soo baxay laakiin waxaa mar kale la galay muran sharci oo ka yimi dhanka golaha Guurtida oo sharci darro iyo wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay heshiiska ay wada gaadheen asxaabta mucaaridka iyo Xukuumaddu kuna adkaystay in ay doorashooyinku dalka ka dhacyaan Mar 2017 –ka oo ah muddo kordhinta Guurtidu soo saartay bisha ay uga astaysay doorashooyinka,taasina waxay mar labaad u cuntami wayday labada xisbi mucaarid oo guurtida eedayntii ayu jeedinayeen halkaa ka sii waday.

Xisbiyada Mucaaridka ayaa waxaa kale oo ay Xukuumadda ku eedeeyeen in ay kaga baxday heshiiskii ay wada gaadheen oo aanay diyaar u ahayn in ay fuliso isla markaana waxay mucaaridku intaa ku dareen haddii ay Xukuumaddu fulin waydo wixii lagu heshiiyay in ay talo qaran isugu iman doonaan labada Xisbi mucaarid iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashigu soona dhisi doonaan dawlad dalka doorasho gaadhsiisa.

Hadalka ah Xukuumaddu heshiiskii way nagaga baxday ayay in badan mucaaridku ku cel celiyeen halka aanay Xukuumaddu marnaba hore uga hadal arrintaa halka masuuliyiinta KULMIYE ay sheegeen in aanay heshiiskaa ka bixin laakiin jawaabta ay bixiyeen masuuliyiinta KULMIYE waxba kamay bedelin hadalki mucaaridka ee ahaa Xukuumaddu heshiiskii way nagaga baxday taasoo ay sabab uga dhigeen aamusnaanta Madaxweynaha.

Xalay ayuu hadalkii ugu dambeeyay Musharaxa jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku sheegay haddii ay xukuumaddu ixtirami waydo heshiiskii ay wada galeen in aanay iyguna ixtiraami doonin isla markaana aanay dawlad u aqoonsanayn wixii ka dambeeya 27 July.2015 oo ay ku egtahay muddo xileedka Madaxweyne Siilaanyo.

Laakiin maanta ayay arrintaasi is bedeshay oo ay hadana waji kale yeelatay ka dib markii ay Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE wada jir ugu dhawaaqeen in ay diyaar u yihiin fulinta iyo ku dhaqanka laba is-diidan oo la isku hayay oo kala ah muddo kordhintii Guurtida ee ay mucaaridku ka soo hor jeedeen iyo heshiiskii ay asxaabta iyo Xukuumaddu wada ee gaadheen ee ay Guurtidu diiday kuna tilmaantay sharci darrada.

Markii uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Maxameda Cabdilaahi Saylici oo uu weheliyo guddoomiyaha xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE labadaa is-diido ku dhawaaqeenba waxaa ka dareen celiyay asxaabta mucaaridka oo ku tilmaamay in waxa Xukuumadda iyo xisbigeedu sheegeen in ay tahay waxyaabihii la isku hayay oo halkoodii ka bilaabmay waxanay mar kale u soo jeediyeen Xukuumadda in ay fuliso heshiiskii ay mucaaridka wada gaadheen.

Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa haysta laba daran mid dooro waxaana saran laba culays oo kaga kala imanaya guurtida oo haddii aan lagu dhaqmin muddo kordhinteeda ay Xukuumaddu ku waayayso sharciyad ay ku sii joogto inta doorashooyinku ay qabsoomayaan oo la,aantood aanay jirin cid kale oo muddo kordhin sharciyayn kartaa iyo asxaabta mucaaridka oo dhankooda culays ku saaraya in ay u hoggaansanto wixii ay ku heshiiyeen oo wata taageerona ka helaya dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka oo ah iyagu cidda bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya diiwaan galinta cod bixyeyaasha iyo qarashka lagu galayo doorashooyinka oo haddii tooda loo hoggaansami waayo meesha ka saaraya in ay Somaliland qabsato doorashooyin iyo diiwaan galin laga taageerayo guud ahaan qarashka ku baxaya.

Hadaba Xukuumaddu ma gu ku guulaysan kartaa in ay kasbato beesha caalamka si ay Somaliland u hesho dhaqaalaha lagaga taageerayo doorashooyinka ay qabsanayso ee aanay dhaqaale u haysan isla markaana guurtida ma ku qancin kartaa in ay xalaaleeyaan muddo kordhin ku siman illaa jenawari 2017 oo ah markay doorashooynku Desember qabsoomaan iyo bisha ka dambaysa ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka soo baxaa xilliga ay xilka la wareegayaan ee loo dhaarinayo.

Asxaabtuse ma ku qanci doonaan labada isdiidan ee Xukuumaddu wada sheegtay in ay wada fulinayso in sidooda loogu dhaqmo oo doorashadana la qabto Desember guurtidana baryo loola tago mise waxaa go,an mucaaridka in laga soo guuro abril 2017 oo la yimaado Jenawari isla sanadkaas.

Iswaydiintaa jawaabteedu waxay ku xidhantaya maalmaha soo socda iyo siday noqoto mawjadda siyaasdeed eek u salaysan goorta ay qabsoomayaan doorashooyinka Somaliland

Xogsoormedia.com

Hargeysa Somaliland

abafgaab@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here