Garoowe (Xogsoormedia.com) :-Odayaal-dhaqameedyo iyo wax garad uu Hoggaaminayo, Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa gaadhay tuulada Qarxis ee gobolka Nugaal, halkaasoo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo askar ka gadooday oo uu horkacayo taliye ku xigeenkii hore ee booliska ciidamada Puntland, Jen. Muxyadiin Axmed Muuse.
Waxgaradkan oo ay sidoo kale la socdaan culimmaa’uddiin iyo siyaasiyiin ayay ujeedada socdaakoodu tahay in ay baajiyaan dhiig data iyo dagaal dhex mara labada ciidan waxaanay waxgardkan is xilqaamay doonayaan in ay xaalka wada hadal ku dhameeyaan.
Xubnahan wafdiga ah ayaa waxay la kulmeen saraakiisha hoggaaminaya ciidamada is-horfadhiya, iyagoo kala hadlay in marka hore fursad la siiyo wadahadalada si loo dajiyo xiisadda haatan ka dhex-oogan.
Jen. Muxyadiin Axmed Muuse iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa ka gadooday maamulka Puntland kaddib markii madaxweynaha Puntland uu xilkii ka qaaday Jeneraalka oo ahaa taliye ku xigeenka Booliiska Puntland.
Sidoo kale, Jen. Muuse oo shalay hadlay ayaa sheegey in sababta gadoodka aysan ahayn xil-ka qaadista, balse tahay iyagoo xuquuqdoodii iyo mushaaraadkooda ka waayay maamulka Puntland 15-kii bilood ah ee lasoo dhaafay, ayna doonayaan in ay helaan xuquuqaadkoodii.
Ugu dambeyn, Maamulka Puntland ayaa dhankooda xusay inaanan loo dulqaadan doonin cid carqaladeysa ammaanka, haddana ay fursad siinayaan Waan-waanta lagu doonayo in arrimaha taagan lagu dhameeyo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland