Dacwad Ka Dhan Ah Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya Oo Loo Gudbiyay Maxkamadda ICC

0
442

 

UK (Xogsoormedia.com):- Maxaweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah loo gudbiyay Maxkamadda Dambiyadda Dagaalka ee ICC, taas oo ay ka gudbiyeen caruurta uu dhalay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Marxuum Yuusuf Dirir Cabdi oo 23-kii bihii hore ciidamada Soomaaliya ku dileen  Muqdisho.

Dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya  ee loo gudbiyay Maxkamadda Adduunka iyo dalalka ay ku nool yihiin caruurtaasi  uu ka tegay Xildhibaanku oo kala ah wadamada Ingiriiska iyo Canada, ayaa ka dambaysay markii Madaxweynaha Soomaaliya uu si badheedh ah xabsiga uga sii daayay askartii dilka Xildhibaanka gaystay.

 Sidaa waxaa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay shalay arrintaa ka soo saareen caruurta uu dhalay Yuusuf Dirir Cabdi, waxaanu u dhignaa sidan “Anagoo ah caruurta  uu ka  ka geeriyooday Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi oo  ay Xamar ku dileen ciidanka Xasan Sheekh  Maxamuud, taariikhdu markay ahayd 23 May 2015, anaga  oo Kala degen dalalka Ingiriika iyo Canada, waxaanu  qaylo dhaan u dirnay  Madaxda dalalkaa aanu ku kala noolnay sidii caddaalad loogu heli lahaa dilkii aabbahayo oo ay si wada jir ah uga dambeeyeen Madaxweynaha iyo Raysal waaaraha Soomaaliya, fuliyeenna ciidamadooda gaarka ahi.

Waxaa na soo gaadhay warar odhanaya  in nimankii dilka loo adeegsaday ee ay madaxwaynaha iyo Rasal wasaaruhu u adeegsaneen  oo u xidhnaa dilkaa in la sii daayay,  iydoo aan maxkamad la gaynin,  taas oo caddaynaysa  in aan  wax sharci ahi ka jirn waddanka  Soomaaliya.

Waxaa kale  oo aanu qaylo dhaan u dirnay   Maxkamadda dambiyada adduunka  iyadoo aanu ka dalbanay  in kiis dacwadeed nalooga furo dhagar  qabayaashii aabbahayo dilay iyo Xasan Sheekh Maxauud iyo  Cumar Cabdirashiid oo dhalashadiisu Canadiyaan tahay.

Dilka aabbahayo markii hore waxaa lagu masabiday kooxda Al-Shabaab, markii ay Al-Shabaab sheeagan waydayna waaxaa xaqiiqo noqotay in dilkaa laga soo maleegay Madaxtooyada Soomaaliya.  xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo xogta ogaaday  baa culays ay saareen Madaxweynaha iyo Rayalwasaaha  ayaa  keenay  in jeelka loo taxaabo oo laga soo saaro madaxtooya raggi dilka aabbahayo geystay.

Waxaa nasiib darro ah  in raggaas oo xidhnaa oo ay ahayd in maxkamad la geeyo  in uu  shalayto  Madaxweynaha Soomaaliya  uu nimankaa jeelkii ka sii daayo,  iyadoo aan maxkamad la saarin,  isagoo ka  faa’iidaysanaya fasax ay ku maqan yihiin xildhibaanadii xogta arrinta  gacanta ku hayay.

Waxaanu mar labaad ku celinaynaa in waddamada aanu degennahay, ICC,  Amnesty international iyo Human Right Watch, baanu ka codsanaynaa in ay caddaalad nala raadiyaan, sharcigana naloo hor keeno dadkii dilka foosha xun aabbahayo u geystay.”

 Xogsoormedia.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here