Madaxtooyada Oo Lagu Qabtay Munaasibadda Xuska 26

0
408

 

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Qasriga Madaxtooyada Somaliland,ayaa lagu qabtay Xuska 26-June sanadguurada 55 aad ee a soo wareegtay maalintii dhul Soomaaliyeed xoroobo ee calan laga taago taasoo ku beegan maanta oo jimce ah guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaana waxa xaflada xornimadii qaranka Somaliland ka helay ingiriiska 26-June-1960kii lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu madaxweynuhu goobjoog ka ahaa.

Xafladan qiimaha badan ayaa waxa isugu yimid odayaal iyo masuuliyiintii wakhtigii ay Somaliland qaadatay Xornimada kala wareegay Boqortooyadii Ingiriiska, waxaana ka mid ahaa DC-gii ama Gudomiyihii wakhtigaasi lagu wareejiyey xornimada Somaliland oo ahaa Cismaan Axmed Xasan (Indhoole), Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), Maxamuud Aadan Dheri, Saxardiid Raage oo dhamaantood ka waramay qiimihii xornimadu lahayd, Dareenkii, xamaasadii iyo sidii loogu wareejiyey Somaliland.

Sidoo kale waxa xafladan ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse biixi Cbadi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali, Marwada Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh maxamed Jirde, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan, iyo Masuuliyiin tiro badan oo kale.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here