AMISOM Oo Soomaaliya Siisay Tababarro La Xidhiidha Doorashooyinka

0
392

 

 

Muqdisho (Xogroosmedia)-AMISOM ayaa sheegtay in ay Soomaaliya siisay tababaro la xidhiidha dhinaca doorashooyinka kaasoo ay ku siisay dalka Gana.

Tababarada  la xidhidha dhanka Doorashooyinka ee Soomaaliya la siiyay ayaa la sheegay in ay ka qayb qaateen saraakiil ciidan iyo qayboka mid ah bulshada rayidka ah

 

“ Tabarkan waxaa fududeeyay howgalka Midowga Africa ee Soomaaliya waxaana Saraakiisha tababarka la siiyay wax badan laga fahamsiiyay geedi socodka iyo hannaanka doorashada ” ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah ee ka soo baxay howgalka AMISO ee Soomaaliya .

 

“ waxaa naga go’an in aan ka tageerno Dowlada Soomaaliya tababarada Ciidamada dowladda iyo bulshada rayidka si wax badan looga fahansiiyo geedi socodka doorashada iyo maaraynta howlaha Muhiimka ah, waxaana naga tageeraya Beesha Caalamka..” sidaasi waxaa yidhi Christopher Gwan’garia oo ah sarkaal ka tirsan AMISOM.

 

Tababaraadan ayay AMISOM ku sheegtay in looga gol leeyahay in Soomaaliya ay doorashooyin xor ahi ka dhacaan sanadka soo socda iyadoo aanay wali dawladda Soomaaliya gacanta kuwada hayn dalka isla markaana ay qaybo ka mid ah ka taliso kooxda Al-Shabaab ee dawladda dagaalka kula jirta halka deegaanada qaarna ay ka taliyaan maamullo ay xukuumadda isku dhacsan yihiin oo aanay lahayn wax wada shaqayn ah.

Soomaaliya ayaa loo sameeyay maamulo lagu sheegay maamul goboleedyo isugu imanaya hannaanka Federaalka.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here