Leego (Xogsoormedia.com):- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheeatay guul muhiim ah oo ay ka gaadhay weerar ay saaka waabarih=gii ku qaaday deegaanka Leego oo xarun u ahaa ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Burundi halkaasoo ay shegteen kooxda Al-Shabaab in ay ku dileen ugu yaraan 70 askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM.
Dhinaca kale dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la,dahay oo la waayay saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka deegaanka oo uu ku jiro guddoomiye u xigeenkii deegaanka Leego iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin saraakiil millatari.
Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo ka Hadlay weerarkan ayaa sheegay in xoogagoodu ay la wareegeen saldhigga, ayna ka dileen askar ka tirsan AMISOM oo ka socda Burundi oo saldhiggaas ku sugnaa sannadihii lasoo dhaafay.
Sh. Cali Dheere ayaa intaas ku daray in khasaare culus ay gaarsiiyeen ciidankii AMISOM ee xeradaas ku sugnaa, Wuxuuna Xusay in khasaaraha gaaray uu ka daran yahay kii 2011-kii ay ugu geysteen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dileen in ka badan 70-askari ka tirsanaa ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM.
Dhanka kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM uu weerarkaas kasoo gaaray khasaare lixaad leh, loogana gubay gaadiid dagaal, sidoo kalena looga qabsaday sanaad ciidan oo saldhiggaas taallay.
Qaar ka mid ah saraakiisha dowladda Soomaaliya oo magacooda Qariyay ayaa u sheegay VOA-da iyo qaar ka mid ah warbaahinta madaxa-bannaan in weerarkaas lagu dilay in ka badan 50-askari oo ka mid ah ciiadmada AMISOM ee ku sugnaa saldhiggaas.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Sh. Maxamed Nuur Siidii oo isna ka hadlay dagaalka ayaa xaqiijiyay inuu jiro khasaare xooggan oo ka dhashay weerarka loogu geystay ciidamada AMISOM, Qaraxyo is-miidaamin ahna loo adeegsaday weerarkaas.
C/qaadir Siidii ayaa xusay in la’yihiin mas’uuliyiin ka tirsan kuwa deegaanka Leego oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii deegaanka Leego iyo ku xigeenkiisii ay ku jireen, kuwaasoo uu sheegay inaan illaa hadda la ogeyn meel ay jaan-iyo-cirib dhigeen.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland