Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu yaqaanay aftahannimo iyo ku dhiiranaanta hadal caddaanta isla markaana xaalad kasta oo dalka la soo gudboonaata a hadli jiray xilligii uu mucaardika ahaa warbaahintana toos ugu xidhnaa waa intaanu ku guukaysan hanashada kursigaqaranka ugu sarreeya ee Madaxweynaha ee uu imika yahay e.
Madaxweynaha Somaliland ayaa muddo xileedkiisa sii dhamaanaya ee shanta sano ah aan marnaba qaban shir jaraa,id oo warbaahinta kala duwani su,aalo ku waydiiso waxaa kale oo Madaxweyne Siilaanyo laga dabray marka kaliya ee warbaahintu jaaniska u hesho oo ah marka uu dhoofayo ama dalka ku soo noqdo in su,aalo la waydiiyo taasoo uu afhayeenka Madaxtooyadu noqday dayr Madaxweynaha iyo warbaahinta ku kala gudban.
Hadaba iswaydiintu waxay tahay ma Madaxweynaha ayaa dhuxul u wakiishay in uu kaga gudbanaado warbaahinta oo aan diyaar u ahayn in uu ka jawaabo waydiiinta wariyeyaasha mise waa aragti ku kooban afhayeenka Madaxtooyada oo aan isaga dhaafsiisnayn? Su,aashaa jawaabteeda waxaan u daynayaa cidda ay qusayso laakiin Madaxweynuhu sidii uu warbaahinta ugu xidhnaa markii uu loolanka ugu jiray hanashada hoggaanka dalka maxaa ka bedelay markii uu guusha gaadhay ee uu dalka hoggaamiyihiisa noqday?
Ma warbaahinta ayaan ahayn mid u qalanta in ay Madaxweyne waraystaan mise Madaxwynaha ayaa ka maarmay wariyaasha warbaahinta dalka ka hawl gala eek ala duwan.
Haddii aan ku horrayno ta wariyeyaasha waxaa lagama maarmaan ah in warbaahintu marka Madaxweynaha su,aalo waydiinayaan in ay Madaxwaynaha u diraan xirfadlayaasha warbaahinta ugu wanaagsan ee ka hawl gala goobahooda warbaahineed oo loo diro cid lagu halayn karo in ay Madaxweyne qaran wax waydiin karto. Taasoo inta badan warbaahintu ay fudayd sato isla markaana wiil dhalinyaro ah oo rikoodh iyo kamarad la ordaya uun u diraan Madaarka marka Madaxweynuhu soo degayo ama dhoofayo halka ay ku wacnaynd in loo dirosocdaalka Madaxweynaha cid war ka smayn karta oo xataa haddii ay dhacdoin aan Madaxweynuhu hadal jawiga soo noqoshadiisa iyo muuqaalka aragtida ka muuqata foolka weftiga ka samayn karta dareen celinta weftigu la soo noqday.
Ta labaad Madaxwaynaha waxaa la gudboon in aan warbaahinta loo dhxayan hadiiba uu shirar jaraa,id qaban waayay muddo xileedkiisa dhamaadka ah waxay ahayd marka ay madaarka kula kulmaan in uu si farxaddii uu hibada u lahaa ka muuqato intuu warbaahinta u qaabilo in uu ka jawaabo su,aalaha la waydiiyo eek u saabsan waaqaca dalku marayo socdaalkiisa iyo su,aal kasta oo jawaabteedu dalka iyo dadka dani ugu jirto iyadoo Madaxweynaha lagu yaqaano aftannimo iyo hadal aqoon may ahayn in dhuxul warbaahinta kala qariyo.
Madaxweynaha imikana waxaa looga fadhiyaa in uu noqdo Madaxweyne aan la kala qarin warbaahinta madaxa bannaan cadna looga dhigin balse macaamil hoggaamiye la yeesha warbaahinta kala duwan ee dalkiisa.
Madaxweynuhu in badan ayuu warbaahin dibadeed warar siisay oo la soo xidhiidhay laakiin marna may dhicin in uu warbaahinta gudaha dalkiisa war siiyo mid qaran iyo mid madaxbannaan toona taasina waa mid looga fadhiyo Madaxweynaha waxaa hubaal ah in Madaxweyne Siilaanyo aanau ahayn nin hadal looga baqi karo ama la odhan karo su,aal la waydiiyay ayuu jawaab u waayayaa laakiin dhibaatadu waxay ka dhacday dayr ku meersan iyo aamusnaantiisa oo sku lamaan noqday habada Madaxweyne goormaad warbaahinta si xorah ugu warramaysaa eed iska hor qaadaysaa dayrka idiin dhexeeyaadiga iyo warbaahinta.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland