Muqdisho (Xogsoormedia.com) :- Dawladda Soomaaliya ayaa wadda u diyaar garawga xus iyo munaasbado loo sameeyo maalintii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay biqortooyadii Ingiriiska maalintaasoo ah maalintii ugu horraysay ee dhul Soomaaliyeed Xor ka noqdo Gusmaystayaashii dhulalka Soomaalida haystay.
Raysalwasaare- ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ah Guddoomiyaha Gudigga Heerka Qaran ee Qaban-qaabada Xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo ayaa ka dalbaday madaxda Warbaahinta kala duwan inay door-muuqda ka qaataan horumarinta dalkooda. Wuxuuna sidoo kale ku dhiirri-geliyay Warbaahinta inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan Wacyigelinta bulshada, nabadda iyo hirgelinta nidaamka dowlanimo.
“Waxaa foodda inagu soo haya Maalmihii Xorriyadda Dalkeenna, kuwaasoo muhiim u ah Qaranka Soomaaliyeed, Waxaan ka doonaynaa Warbaahinta Madaxda-bannaan iyo midda Dowladaba inay Kaalin ku yeeshaan sidii Bulshada loogu Wacyigelin lahaa Muhiimadda Xorriyaddu leedahay,” ayuu yiri Carte.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland