Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Kulan Ay Wada Yeesheen Raysalwasaaraha Itoobiya

0
342

 

Addis-ababa(Xogsoormedia):- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan ka yeeshay Raysal-wasaaraha dalkaas Haylemariyam Disaaalim oo ku qaabilay xafiiskiisa.

Kulanka labada hoggaamiye ay wada yeesheen oo ahaa mid saacad iyo dheeraad qaatay ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka dalalka Somaliland iyoItoobiya iyo sidii loosoo xoojin lahaa sida uu Madaxweyaha Somaliland warbaahinta u sheegay.

“kulanka aanu Raysalwasaaraha Itoobiya yeelanay wuxuu ahaa mid aanu kaga wada hadalnay danaha labada waddan iyo xidhiidhkayaga wanaagsan ee naga dhexeeya iyo sidaanu u sii xooojin lahayn waxaanu ka wada hadalnay arrimaha nabad gelyada mandaqada siixoojinta iskaashiga dhinac walba leh ee labada dal ka dhexeeya waanan uga mahad naqaynaa sida wanaagsan ee uunoo soo dhaweeyay Raysal-wasaarah Itoobiya Haylemariyam Disaaalim.”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta.

hadaba halkan ka daawo Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysalwasaaraha Itoobiya kulanka ay wada qaateen

Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here