Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Hay’adda CARE International

0
414

 

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweyne ku -xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha   hay’ada care Miss Michelle Nunn oo socdaal ku timi Somaliland.

Mudane saylici ayaa warbixin ka siiyay halka uu dalku marayo   wefti ay hoggaaminayso oo safar shaqo ku yimi Somaliland

 

Halka Miss Michelle Nunn ay sheegtay in ay madax ka tahay ugu yaraan 90 dal balse ay iyadu doorbiday inay Somaliland ku horayso madaama ay ku cusub tahay xafiiska dhawaana la soo magacaabay, “imaatinkayguna waxa uu i gelinayaa farxad dheeriya waayo in badan ayaan ku taamayey in aan indhaha ka soo qaado Jamhuuriyada somaliland.”ayay tidhi Madaxweynaha Hay,adda Care Intranatioanal

waxa kale oo ay sheegtay inay hay’ada care iyo Somaliland si wada jira isaga kaashanayaan ka shaqaynta iyo kor u qaadida arrimaha bini-aadannimida, waxbarashada, farsamada gacanta iyo tayeynta tayada macalimiinta gaar ahaan haweenka macalimiinta ah.

geesta kalena Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Miss Michelle Nunn iyo waftiga ay hogaaminayso.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay inay waftigan kawada hadleen sidii loo dardar galin lahaa hawlaha ay hay’adani dalka ka qabato isla markaana loogu fudaydlahaa dhamaan hawlaheeda iyada oo la iska kaashanayo hay’ada care iyo Somaliland.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here