Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Wariye Axmed Mansuur,ayaa ka dareen celiyay sii dayntiisa ka dib markii Maxkamad ku taalla magaalada Barlin ee Dalka Jarmalku ay go,aamisay in wariyaha la sii daayo iyadoo aan wax shuruud ah lagu xidhin.
Suxufiga caanka ah ee Al-jazeera- Carabia u shaqeeya Axmed Mansuur ayaa lagu xanibay madaarka Berlin maalintii sabtidii ka dib markiiay dawladda Masar ka codsatay Zukuumadda Barlin in loo qabto wariyahaas oo ay hore Maxkamad ku taalla Qaahira xukun ugu ridday.
Maxkamad ku taala magalada Berlin ayaa go’aamisey in Axmed Mansuur la sii daayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin.
Markii wariyaha xorriyaddiisa loo soo celiyay ayuu ka dareen celiyay sii dayntiisa waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa, xaakimkii Jarmalka ee go’aamiyey in si shuruud la’aan ah la igu sii daayo” ayuu yidhi Mr. Mansuur.
“Sidoo kale waxaan mahad ballaadhan u diarayaa dhamaan dadkii caalamka ku kala sugnaa ee i soo taageeray mudadii yarayd ee aan xanibnaa, imika Xor ayaan ahay.”.
Tan iyo markii la xanibey Suxufigan ayaa si weyn loogu tageeray baraha Bulshada, sidoo kale dad ka badan 25 000 oo qof oo dalka Jarmalka ku sugan ayaa saxiixey “Petition” bayaan codsi ah oo ay ku dalbanayaan in aan Masar loo gacan gelin suxufi Axmed Manuur.
Mansuur ayaa Maxkamad ku taalla Masar ay xukun ku riddey isaga oo maqan sanadkii 2014.
Wariye Mansuur ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Masar laakiin imika wuxuu haystaa dhalashada dalka Ingiriiska.
Dawladda Masar ayaa xukuno kala duwan ku ridda wariyeyaasha iyo cid kasta oo ay u arkaan in ay ka soo hor jeedo tallaabooyinka ay Millatariga dalkaasi ku inqilaabeen Madaxweynihii hore ee la soo doortay Mursi oo imika u xidhan xukuumadda dalkaas kuna xukuman dil.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland