Gubistii Taawarada SOMTEL iyo TELESOM Oo Kooxda Khaatumo Khilaaf Ka Dhex Abuuray iyo Madaxdhaqameed Baaqyo Ka Soo Saaray

0
304

 

Buuhoodle(Xogsoormedia.com):-Hoggaanka Sare ee Kooxda Khaatumo ayaa isku maandhaafay gubistii Taawarada Shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESOM iyo SOMTEL oo masuuliyiinta kooxdaasi hore u sheegteen masuuliyadda weerar lagu qaaday laba Taawer oo shirkadahaasi ku kala lahaayeen laba deegaan oohoos taga Buuhoodle kuwaasoo la weeraray 19 bishan..

 

 

Dhinaca kale Keyse Cabdi Yuusuf, oo hore uga tirsanaa xukumadda Siilaanyo haatana kooxda khaatumo ugu magacaaban Wasiirka daakhiliga ayaa isagoo ku sugan deegaanka Horu-fadhi ee lagu gubay taawarrada shirkaddaha waxa uu sheegay in Kooxda Khaatumo dib uga wada hadli doonto falkaasi dhacay.

“Waxaan raalligelin u dirayaa madaxda shirkadaha Telesom iyo Somtel, shaqaalaha iyo macaamishaba, waxaana leeyahay wixii dhacay waa fal xun, mana aha waxaan maamul ahaan isku ogeyn; waana laga wadahadli doonaa,” ayuu yidhi Keyse.

Garaad Abshir Saalax ayaa isagoo ku sugan deegaanka Widhwidh wuxuu sheegay in falkii dhacday uu ahaa mid laga xumaado; isagoo xusay in la baabi’iyay hanti ay dadka deegaanku leeyihiin.

Hadalka Madaxdhaqameedka iyo Siyaasi Keyse Cabdi Yuusuf Ayaa ku soo beegmaya iyadoo hore qaar ka tirsan Kooxda Khaatumo ku dhawaaqeen in Shirkadda TELESOM loola dagaalamo sida gaadiidka dagaalka ee Somaliland, waxaana raggaasi ka mid ahaa ninka ugu magacaaban kooxda khaatumo Madaxweyne ku xigeenka , Cabdalla Caga-lule iyo Gacmayare, oo warfaafinta ugu magacaaban.

Dhinaca kale wax garadka iyo madaxdhaqameedka reer Buuhoodle,ayaa tilmaamay in qasaaraha la gaadhsiiyay taawaradu uu yahay mid loo geystay hanta ay leeyihiin dad reer Buuhoodle ah isla markaana laga rabo ciddii geysatay beelohooda.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here