Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay ka fursanayn in dawlad wadaag ah la dhiso marka muddoxileedka Xukuumaddu dhamaato taasoo uu tilmaamay sida kaliya ee lagaga baaqsan karaa in ay tahay in la hir galiyo heshiiskii ay asxaabta iyo Xukuukaddu wada gaadheen.
Eng Faysal Cali Waraabe oo madaarka Hargeysa saxaafadda kula hadlay maanta isagoo la soonoqday safar muddo qaatay oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa ayaa intaaku daray jawaab uuka bixiyay hadalkii Madaaxweynaha ee ahaa dalku sharci ayuu leeyahay.
“Somaliland waxay maraysaa Is-goys, waxaa ina hor yaalla arrimo badan. arrimahaas waxaa loo baahan yahay in wada jir looga tashado, haddaan arrimahaas la dhammayna waxaan filayaa inaanu mustaqbalka Somaliland qurux badnaanayn” ayuu yidhi Eng Faysal.
Hoggaamiyaha UCID wuxuu ku taliyay in la hirgaliyo heshiiskii ahaa in December 2016 la qabto doorashada ee asxaabta iyo xukumaddu isla gaadheen “Waxaynu ognahay in heshiis ay gaadheen saddexda xisbi,, heshiiskaa in la hirgaliyo weeye.Madaxweyne ku-xigeenku wuu nala saxeexay heshiiska,taa macnaheedu xukumadduna way ku jirtaa weeye,haddaanay dee kala socon madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenku laakiin, waxaan filayaa in xukumaddu ku midaysan tahay rayigaas. Ilaa hadda doorashadii way laalan tahay,waxay ahayd in lagu talaabsado meel marinta heshiiska saddexda xisbi” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid.
Gudoomiyaha Ucid waxa uu ku dooday in la sameeyo dawlad wadaag ah inta lagu jiro muddada lagu heshiiyay in doorasho ku dhacdo “muddadaas sanadka iyo 6-da bilood ah waa in la qabto hawlo badan. Waxa ugu horeeya hawlahaas in dawlad la sameeyo, sababtoo ah dawladdan waxay muddo xileedku ka dhammaanaysaa 26-ka June 2015,” ayuu yidhi Eng Faysal.
Eng Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayay hadalkii Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in khilaafka muddo kordhinta ka taagan loo raaci doono sharciga dalku leeyahay ayaa yidhi.“Madaxweynuhu markuu hadlayay wuxuu yidhi dalku sharci buu leeyahay. Waa run oo sharci buu leeyahay, dastuur buu leeyahay laakiin maaha dastuurku in wixii isaga taabanayana ka boodo wixii kalena sheego maaha. Dastuurku wuxuu leeyahay 5 sannadood ayaa madaxweynaha la dhaariyay, 5-tii sannadood way dhammaadeen. Hadda wixii ka dambeeya dawlad midnimo qaran in la dhiso ayaa loo baahan yahay”
Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in dawladdaas lagu midaysan yahay ka shaqayn doonto hirgalinta diwaangalin fiican,sidii sharciyada doorashada loo samayn lahaa,sidii komishanku dib u eegis ugu samayn lahaa goobaha codbixinta oo 6 sannadood ka hor la sameeyay, sidii dib u eegis loogu samayn lahaa dastuurka oo keenay muranno aanu ka gar niqin.
Ugu dambayn waxaa uu ku aliyay in gabi ahaanba la joojiyo wada hadalka Somaliland iyo Soomaaloya oo uu sheegay in aan wax natiijo ah laga gaadhayn “Waxaa loo baahan yahay in la joojiyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia,maadaama aanay xagaas dawladi ka jirin, maadaama xukumadda Xasan Sheekh hadda ku hawlan tahay waxyeeladda Somaliland oo aanay wada hadal u jeedin, maadaama aanu aragno in shaadhkii Soomaali loo tolay u gali waayay oo ay fashilantay Somalia oo maamul goboleedyadii fashilmeen, oo uu noqday shaadh qolo kaliyi soo tolatay oo uu qoladii soo tolatay mooyee intii kale leekaan waayay.markaa inta xukumaddan sidata buuggii Somalia ee ku hawlan qayb-qaybinta Somaliland iyo inay iska horkeento waxaa loo baahan yahay in wada hadalka la joojiyo” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe
hadaba halkan ka daawo soo noqoshadii Guddoomiyaha UCID..
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland