Madaxweyne Siilaanyo Oo Heshiiskii Ay Asxaabta Qaranka iyo Xukuumaddu Wada Gaadheen Jawaab Siyaasadaysan Ka Bixiyay

0
331

Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa jawaab siyaasayadaysan kaga hadal celiyay su,aal laga waydiiyay fulinta heshiiskii ay asxaabta qaranka wada gaadheen

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta dalka ka dhoofay socdaalna ku tegay dalka Itoobiya ayaa intii aanu dhoofin maanta madaarka lagu waydiiyay waxa uga meel yaal ka madaxwayne ahaan heshiiskii ay asxaabta qaranka wada gaadheen taasoo uu kaga jawaabay jawaab siyaasadaysan isla markaana loo qaadan karo in heshiiska asxaabta qaranka iyo Xukuumaddu wada gaadheen in Madaxweynuhu mudnaanta ka siinayo go,aankii muddo kordhinta ee Guurtida.

 

 

Madaxweyne Siilaanyo oo intii aanu ka ambabixin madaarka la waydiiyay mawqifkiisa heshiiskii asxaabta mucaaradku ku gaadhay in doorashada la qabto bisha December 2016 iyo muddo kordhintii Golaha Guurtida guurtida, ayaa yidhi “Dalku sharcibu leeyahay, nidaam buu leeyahay oo cid baa qaabilsan hawlaha caynkaas ah. Sharcigu wuxuu yahay uun baa la raacayaa.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo

 

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here