Hargeysa (Xogsoormedia.com):-Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in hankiisu sarreeyo oo uu aaminsan yahay in uu umad balaadhan hoggaamin karo. Halka uu carabka ka dhawaray in uu caddeeyo goorta uu doonayo in uu hankiisa muujiyo oo uu isu taago in hoggaamiye loo doorto.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in masraxa siyaasadda aanu ka bilaabin Wasiir balse uu meel hoose ka soo antay fagaaraha siyaasadda xilli uu da,yaraa.
Waxaa uu intaa ku daray in aanu xilligan odhanayn waan sharaxanahay laakiin hankiisa siyaasadeed uu meel sare joogo waaqacana la socdo hanskiisu
Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka jawaabayay su,aal hankiisa siyaasadeed laga waydiiyay ayaa caddeeyay in uu ummad hoggaamin karo laakiin waxaanu caddayn xilliga uu hankiisa soo bandhigi doono..
“ waaa su’aal fiican, Siyaaadda kamaan bilaabin Wasiirnimo, waxaan ka soo bilaabay meel hoose, waxaaan ka soo bilaabay anigoo labaatan jir ah oo dugsigii sare ka baxay ayaan ku biiray ururkii SNN ee halgankii xoraynta dalka, waxaan ka soo qabtay maamulo, buurtaas dheer ee halka u saraysaa Madaxweyne tahay, hoostaan ka soo fantay, Maayar ayaan soo noqday, Xildhibaan ayaan soo noqday, han weyn baanan leeyahay dabcan, qofka bani aadamka ahina sideedaba hanbuu leeyahay, ana Han weyn ayaan leeyahay, waxaan qabaa inaan hogaaamin karo Umadd balaadhan, iyo inaan horumar balaadhan samayn karo, laakiin Hankaygu waa mid waaqaca ka turjumaya ma degdegsani, ma lihi imikaan sharaxanahay, laakiin ma han li’i.” ayuu yidhi Mudane Maxamuud Xaashigdegsani, ma lihi imikaan sharaxanahay. Wasiir Xaashi,
Hadaba halkan ka daawa su,aashii la waydiiyay iyo sida uu uga jawaabay.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland