Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland iyo Xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa socdaal rasmi ah ku tegay dalka Itoobiya ka dib martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda dalka Itoobia.
“Waxaa farxad weyn ii ah maanta inaan sheego inaanu safar ugu baxayno dalka Ethiopia,halkaas oo aanu ku gaadhayno safar muddo gaaban ah. Dalka Ethiopia waa dal weyn oo aynu jaar nahay oo aanu madaxdiisa halkaas ku wada hadli doono. Waa dal aynu jaar nahay oo ay inaga dhexayso wax wada qabsi badan iyo jaarnimo iyo isu baahi badani ay inaga dhexayso. Markaa waa waajib in markii muddo la joogaba la is xaal ogaado oo xogogaal la isku noqdo oo danaha labada dal laga wada hadlo, sidaas darteed maanta dalkaas baanu safar ugu ambabaxaynaa, waana mid aanu ka wada hadlayno maslaxadda labada dal iyo danaha labada dal” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay xog kooban oo uu saxaafadda ku siiyay Madaarka.
Madaxweynaha Somaliland oo la waydiiyay mawqifkiisa heshiiskii Asxaabta Mucaaradku ku gaadhay in doorashada la qabto December 2016 iyo muddo kordhinta guurtida ah in doorashada la qabto March 2017 ayaa ku gaabsaday in dalku leeyahay shuruuc doorashadana loo raaci doono sharciga.
Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqda mid kedis ah oo aan hore looga warqaban maadaama oo uu safar hal habeen qaatay Madaxweynuhu dhawaan ku soo maray Ethiopia wakhtigaasi oo uu ka soo laabtay dalka Imaaraadka. Socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu yahay marti qaad uu ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia oo uu kulan la qaadan doono.
Displaying DSC_0118.JPGDisplaying IMG_5243.JPGDisplaying IMG_5246.JPG
Xubnaha madaxweynaha ku wehelinaaya safarka
- Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde
- Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md M Biixi Yoonis
- Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade
- Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali
- Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland