Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa maanta cisbitaalka International Hospital ee magaalada Hargeysa ku booqday Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo xanuun ku soo booday loo dhigay cisbitaalkaas.
Suldaanka ayaa xalay xanuun kedis ahi ku soo booday, waxaana isla xalay la dhigay dhakhtarkaasi. Suldaanka ayaa xaaladdiisa caafimaad lagu tilmaamay mid culus, waxaanu ku jiraa Koome.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Suldaanka ALLE uga baryey caafimaad sareecana oo khayr leh inuu siiyo kana dulqaado xanuunka suldaanka.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland