Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay hadal Ka Soo Yeedhay Urur Xuquuqal Insaan Oo Hargeisa Fadhigoodu Yahay

0
282

 

 

 

Berbera(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Hargeysa oo ka dayrisay nolosha qaxootiga reer Yemen eek u sugan Somaliland.

Xarunta Xuquuqal Iisaanka ee fadhigeedu Hargeysa yahay ayaa warsaxaafadeed ay sabtidii soo saartay oo ku beegnayd maalinta qaxoontiga dunida ku tidhi “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda naxdinta leh ee ay ku nool yihiin Yamaniyiinta degan Berbera iyo Hargeysa. Xaruntu waxay aragtay qaxoonti Yamaniyiin ah ay ku haysato duruuf aad u adagi magaalada Hargeysa. Yamaniyiinta ay booqatay Xaruntu waxay ku nool yihiin qolal aad u yar yar oo ay kiraysteen. Qol walba waxa ku wada jira sadex ilaa afar qoys. Ma haystaan adeeg caafimaad, cunto iyo wax barasho toona. Badankoodu waa dad faqiir ah oo aan awood u lahayn inay iska bixiyaan kiro, cunto iyo biyo.”

Hadaba badhasaabka gobolka Saaxil, oo walaaca HRC ka jawaabaya ayaa arrintaasi mid aan jirin ku tilmaamay “Runtii qaxoontigii caadi buu u socdaa, labadii xarumood sidii caadiga ahayd baa loogu dejiyaa, xarun saddexaadna waanu diyaarinaynaa. Runtii dad baa jira qaxoontiga Somaliland ka hadlayay xalay, waxaan leeyahay waa qof aan waxba ogayn ama si kale wax u arkay ka shanqadhiyo qaxoontiga d waa lagu xumeeyay Berbera iyo Hargeysa. Marka Markabka laga soo dejiyo biyo ayaa la siiyaa, baabuur baa lagaga soo qaadaa xarada ayaa la keenaa, xerada waxaa loogu sii diyaariyay Caafimaadkii,cuntadoodii oo saddexda wakhti ah, biyihii” Ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here