Afgooye(Xogsoormedia.com):- Kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab,ayaa weerar ku qaaday saldhig booliis oo ay dawladda taagta daran ee Soomaaliya ku leedahay Afgooye.
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarka ay saldhigga booliska ku qaaday kusheegtay inn ay halkaa ku dshay ugu yaraan soddon askari oo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya oo ay ku jiraan saraakiil Booliis..
Halka dawladda Soomaaliya ay dheegtay in Afgooye lagaga dilay illaa 15 askari oo boolis ah.
Al-Shabaab ayaa sheegtay dhankeeda in ay sii kordhinayaan weerarada ay qaadaan xilliga Ramadaanta halka Dawladda Muqdshona ay ballan qaaday in ay dagaal adag la gali doonto kooxda Al-Shabaab ee laga waardiyeeyo.
Dhinaca kale wararka la xidhiidha dagaalka ka dhacay Afgooye ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku qabsadeen gaadiid dagaal oo ay lahayd dawladda Soomaaliya.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland