Hargeysa(Xogsoormedia):- ugu yaraan laba qof ayay dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen rasaas nool ka dib markii ay ciidanka RRU-da ee rabshadaha ka hor tagaa xalay rasaas ku kala kexeeyen dad ay rabshado ku dhex mareen xaafada daami ee degmada gacanlibaax ee caasimadda Hargeysa halka ciidanka boolisku xalay ay xidheen lataliyihii hore ee Madaxweynaha Barkhad Jaamac Xirsi.
Isku dhaca labada kooxood ee dhalinyarada ah caawa ku dhex maray xaafada Daami ayaa sababay qasaare dhaawac oo soo gaadhay laba nin kuwaasoo ku dhaawacmay rasaas ay ciidanka boolisku ku kala kaxaynayen kooxa rabshaduhu dhex mareen.
Ciidanka booliska ayaa waxaa kale oo ay xidheen qaar ka mid ah dadka xaafada Daami oo u badan kooxihii gacan ka hadalku dhex maray iyo dadweyne kale oo ka tirsan deegaanka xaafada daami.
Labada qof ee dhaawacmay oo kala ah Libaax Khadar Cabdilaahi iyo Amiin jaamac kayd ayaa loo qaaday Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo hadda lagu dawaynayaa.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Ofice