Nairobi(Xogsoormedia.com):-Lataliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ee dhinaca Bulshada la hayb sooco Barkhad JaamacXirsi , haddana ah sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo xalay ciidanka Boolisku xidheen ayaa maanta la sii daayay ka dib markii uu xadhig habeen ah ku qaatay saldhigga Koodbuur.
Xadhigga Barkhad ee xalay ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay xalay barshado gacan ka hadal ahi dhex mareen kooxo dhalinyaro ah oo ka tirsan bulshada wada degta xaafada Daami ee degmada gacanlibaax ee caasimadda Hargeysa.
Xadhigga la taliyihii hore ee Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ka yimi amar la faray ciidanka booliska waxaanu xalay ku xidhnaa saldhigga koodbuur halka maanta uu dammiin ku soo daayay sida la sheegay guddoomiyaha golaha wakiiladda ahna guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.
Barkhda oo ka hadlayay sii dayntiisa ayaa dareenkiisa sidan ku cabbiray. “Cid kasta oo kaalin ku laheyd sii deyntayda waan uga mahadcelinayaa aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. hadda ayaa la i soo daayey, xadhigii xalay ee la igu xidhay bilaa sabab li’ida anigoo markaas uun ka soo baxay masjidka sheekh Dirir taraawixdii, markii hadda la i soo daynayey ayaan waydiiyey maxaad igu soo xidheeno? waxa la igu yidhi waa amar xagga sare ka yimid! fal danbiyeed faraha kulmaan jirin, cid cirdigeed waxba uma dhimin, balaayo maan falin haddana garan maayo ula jeedka waa ramadaan afkaygaan haysan balse qoraal kooban ayaan idink soo tabin siday wax u dhaceen Somaliland guul iyo gobonimo waarta Gobey liico ha jabin”
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland
.