Shaqaalaha iyo masuuliyiinta ka hawlgala wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada ayaa caadaystay in saacadaha shaqada ee ay waajibka tahay in ay u shaqeeyaan qaranka ayaa sagsaaga, isla markaana shaqada ka baxa iyadoo aanay gaadhin xiligii loogu talagalay ee 2:00 duhurnimo halka saacada aroortii ee 7:00 subaxnimo-na ay shaqada galaan xilliyo ka dambeeya.
Musuqa saacadaha shaqada ee madaxda iyo shaqaalaha badankoodu ku dhaqmaan ayaan ilaa hada madaxda saree e qaranku talaabo ka qaadin, isla markaana hay’adii maamul wanaaga loo aasaasay ee dabagalka ku samayn lahayd la dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga ay ka seexatay oo aanay ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday.
Ta kale hadii aad booqato subaxda hore badi hay’adaha dawlada waxaad ku arkaysaa qaar ka tirsan shaqaale hoosaadka, balse inta badan ma joogaan masuuliyiinta hay’adahaasi halka saacada rawaxaadana ay badankoodu shaqada ka baxaan xilliyada eedaanka salaada duhur iyo saacadaha ka horeeya.
Waxaana looga baahan yahay masuuliyiinta saree e dalka inay wax ka qabtaan arrimahan oo sharciga la mariyo.
Dhinaca kale waxaa talaabo muhiim ah qaaday wasiirka cusub ee maaliyada marwo Samsam Cabdi Aadan oo ku soo rogtay shaqaalaha maaliyada inay shaqada soo galaan 7:00 aroornimo kana baxaan 2:00 duhurnimo sida waajibaadka shaqadu dhigayo, talaabadaasi oo noqonaysa maamul wanaaga ilaalinta saacadaha shaqada ee wasaaradaasi