Hay’adda Denmark U Qaabilsan Deeqaha Caalamiga Ah Oo Somaliland Ku Tilmaantay Meel Ay Ka Jirto Khatar Argagixiso Oo Heerkeedu Sareeyo

0
371

“Codsadayaasha Shaqadu Waa Inay Ogaadaan Iskana Jiraan Halista Ammaan Ee Aadka U Daran Ee Ka Jirta Somaliland”

 

Hargeysa, Somaliland – Hay’adda Dawladda Denmark u qaabilsan Caawimada Horumarinta Caalamiga ah ee Danida (Danish International Development Assistance), ayaa gefkii ugu weynaa kula kacday dalka Somaliland, kadib markii ay la-taliyeyaal ay u baahantay uga digtay halis ammaan darro oo ay ku sheegtay inay ka jirto Somaliland.

Dhokumenti tafaasiil dheeraad ah kaga bixinayso qof lataliye ah oo ay u shaqaalaysiinayo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland, oo lagu baahiyay Mareeg la yidhaahdo Somaliland Jobs ayaa sidoo kale waxay hay’adda Danida Maqaamka Somaliland hoos ugu dhigtay darajo oo hoose oo maamul-goboleed ka tirsan Somalia.

Weedhaha ay hay’adda Danida u adeegsatay qoraalkeegan digniinta ah ayaa ah kuwii ugu adkaa ee markii ugu horeysay lagu sifeeyo ammaanka Somaliland, waxaanay u dhignaayeen sidan: “(There is a high threat from terrorism, including kidnapping, as well as a dangerous level of criminal activity by armed militia throughout Somaliland) oo macnaheedu yahay “Waxaa ka jirta Somaliland khatar Argagixiso oo maraysa heerkii ugu sareeyay, oo ay ka mid noqon karto Afduub, iyo sidaas si la mid ah fal-dambiyeedyo khatartu heerkii ugu sareeyay tahay oo ay maleeshiyaad hubaysan kuugu geysan karaan meel kasta oo Somaliland ka tirsan.”

Senior Adviser in Somaliland. Somalia Programme

Intaas kuma eka halista ammaan darro ee ay Danida ku sawirtay inay ka jirto Somaliland, balse waxay raacisay iyadoo qofka ay shaqada u doonayso u digaysa, waxaanay qoraalkeeda ku tidhi (Dangerous situations could occur during the contract period including armed robbery, incidents of kidnapping and other terrorist actions) oo la macno ah: “Wakhtiga ay heshiiska shaqada ku jirta waxaa suurta-gal ah inaad la kulan xaalad khatar ah oo ay mid tahay dhac hubaysan, shilal afduub iyo noocyada kale ee falalka argagixiso,” ayaa lagu qoraalka Danida.

Intaas marka laga tago waxa ay Danida qoraalkeedan hoos ugu dhigtay meeqaamka Somaliland, maamul-goboleed hoos taga Somalia, iyadoo ugu magac-dartay Barnaamijka (Somalia Country Programme) ay qofka shaqada ay u doonayso u ka hawl-galo barnaamijkeeda saddex gobol ee Somalia ee kala ah Somaliland, Puntland iyo South Somalia.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI