“Xukuumadda Iyo Kulmiye Waa Kooxo Aan Weli Kala Adkaan Oo Isla Rafanaya.” Siciid Sulub

0
381

Hargeysa, Somaliland – Wasiirkii hore  hawlaha guud ee Xukumaddii Rayaale, Siciid Sulub Maxamed, ayaa xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisaba ku tilmaamay kooxo kala socda.

Siciid Sulub oo u waramay Startv ayaa ugu horay ka hadlay sida uu u arko Iscasilaada Masuuliyiinta Xukumadda iyo isku shaandhayntii u dambeysay, waxaanu yidhi “Dawlad dhisan oo fulin leh marnaba Xukumaddani may ahayn, Kooxo ayay ahayd, waxan meesha ka dhacayna wuxuun baan u arkaa kooxihii baa isla rafanaya oo kolba Koox la roganayaa ama laga adkaanayaa. Xisbiga Kulmiye waa kooxo, Xukumadduna waa Kooxo, Isku Shaandhayntana iyaguun baa dhexdooda isrogroganaya oo kolba koox baa tunka lagaga dhacayaa qolana waa yara ladnaanaysaa, markaa dee malaha barina waxaynu arkaynaa in qolada kale gacan sarrayso”.

Siciid Sulub, ayaa sidoo kale ka hadlay Aragtidiisa Shirkii xisbiga kulmiye ku qabsaday Maansoor ee uu kaga hadlayo arrimaha Doorashooyinka, waxaanu yidhi“Shirka xataa Xisbiga iyo Xukuumaddu umay dhamayn, markaas waxaan u arkayaa uun arrin qayb ka ah jaahwareerka haysta Xukumaddan iyo Xisbigeeda,waana ayaan darro inay maanta lacago faro badan oo dadku u baahan yahay lagu bixiyo, iyadoo waliba dalkeena maanta abaaro ka jiraan, malaha Xukumaddeenu ma oga oo Nimcaa fadhida ayuun bay yidhaahdaane, dhaqaale Biyo dhaamis lagu samayn lahaa ayaa abaabulkaas lagu galay”.