Wasiirka Warfaafinta oo Shaqaalaha Wasaaraddiisa ku Sheegay Basaasiin Una Digay Wasiir Ku-xigeenka cusub

0
355

Hargeysa, Somaliland – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa markii ugu horreysay sheegay in Shaqaalaha Wasaaraddiisu laba meelood marka laga dhibo meel ka mid ahi Baasiin yihiin.

Wasiir Cukuse, waxa kale oo uu sheegay inay Saxaafadda Somaliland qaarkood qolo ahaan u shiraan, isla markaana ay go’aansadaan inay qof Masuul ah guulaan oo ay wada weeraraan, taasoo uu ku tilmaamay dhaqan ku cusub Warbaahinta Somaliland oo uu xusay inaanu hore uga dhex-jiri jirin.

Sidaa waxa uu Wasiir Cukuse ku sheegay hadal uu Sabtidii maanta ka jeediyey Munaasibad ay xilka kulak ala wareegeeyeen Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Warfaafinta Shugri Xariir Ismaaciil iyo Wasiir Ku-xigeenkii hore Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa.

Waxaannu hadalka Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa muqaalka isagu dhamaystiran.

HALKAN KA DAWO: