Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Sheegay In Wadooyinka La Dhigi Doono Ciidamo Dadka Waydiin Doono Kaadhka Aqoonsiga Dhalashada

0
449

Hargeysa, Somaliland -Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cadde ayaa sheegay in aan magaalooyinka dhexdoodda laga ogolaan doonin qof aan haysan kaadhkii muwaadinimo ee Somaliland, isla markaana qofkii laga waayo xabsi ku meel gaadh ah la siin doonno.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in aan xawaaladuhu lacag siin doonin qofkii aan haysan kaadhka muwaadinimadda, waxaanu wasiirku shalay kulan la yeeshay xawaaladaha magaaladda Hargeysa ku sugan.

Wasiirka oo ka hadlay kulankan waxa uu daarnaa waxa uu ydihi “Waxa aanu shir wada lahayn ururka shirkadaha xawaladaha dalka, waxanu ka wada hadalnay arrimo khuseeya dhaqaalaha iyo nabadgalyadda dalka oo ay u horeyso in dadkii ay 70% qaateen kaadhkii dhalashada oo dad badani uu fahansan yihiin in kaadhka dhalashada loo sameeyey arrimaha doorashooyinka oo keliya. Laakinse waxyaabo ka muhiimsan ba loo sameeyo oo ah dadkii wadankan u dhashay in la yaqaano, islamarkaana dhanka nabadgalyadda inuu furo weyn u yahay, marka waxa aan jecelahay halkan inaan dadka u sheego in xawalaadaha ka wada hadalnay oo aanu ku heshiinay shirkadaha in qofka aan sidan kaadhka aqoonsiga dhalashada in aan wax lacag ah xawalaadu aanay siin karayn, oo bilaabmayso bisha April 1-da marka ay gaadho aanay jiriin. Dadka marka waxa aan u sheegaya in aanay ku lug go’in meelaha ee qof waliba marka laga reebo labada gobol Sanaag iyo Sool oo la bilaabii doono hawsha diwaangelinta toddobaadkan soo socda, muddo bil ahna ay socon doonto hawsha iyagu bisha April 1da ka dambayn doonto. Laakinse gobolada inteeda kale waxa aanu halkan ku heshiinay anaga iyo shirkadaha xawalaaduhu in aan qofna aan sidan kaadhka aqoonsiga in aan xawaladaha lacag laga siin karin, marka dadka waxa aan ugu boorinayaa qofkii haysta kaadhka aqoonsiga waa in uu ku sitaa jeebkiisa dambe, qofka aan haysana dhulka meelo badan baa dadka laga diiwaan gelinaya in ay deg deg ah u tagaan. Waxa iman doonta marka laga bilaabo wasaaradayda maalinta laga bilaabo bisha April 1-da qof aan haysan taysarada oo aan dibada laga qorin taysarada numberkiisa aanu soo geli Karin oo aanu iman karin, xataa qofk telefoonka isoo dira oo yidha waa hebel hebel dambe oo la aqbalayaa ma jirto oo waxa weeyaan sumaddiisa eega, haddii uu taysaro sitoo uun buu iman karayaa”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in aan hoteelada laga krieyn Karin qof aan sidan kaadhak muwaadinimo, isla markaana qof kasta la wadiin doono kaadhkaaasi.

Mar kale waxa uu sheegay in wadooyinka hareerahooda la dhigi doono ciidan dadka waydiiya kaadhka muwaadinka qofkii laga waayana la xidhi doono, waxaanu yidhi “Dhowaan waxa aanu samayn doona haddii Allah yidha ciidamo wadooyiinka istaaga oo baadha baabuurta oo dadka qaarkood waa la eegaya wadooyinka oo waa la joojin doonaa dadka baabuurta wataa. Imika waa la eega oo waxa la waydiiya yaa baaburka wata laakiinse waxa la waydin doonaa taysaradada keen ba la odhan doona, odayaasha magaalada dhalinyaradu way iska xamilayan ee odayaasha magaalada waxa aan u sheegaya iyo raga waa wayn ninka taysaradiisa laga waaya habeenka meel baanu seexinayna inkasto aanay gogol xagaagsan lahayn inta uu ka soo qadanayo taysaradiisa ayaa halkaa uu joogi doona iyo baabuurkiisuba. Geerashyadda waa weyn baanu ku xarayn doona macaa babuurkisa waxana laga yaaba in aan sii fican loo xaadhin, oo dhagaxan iyo qururux badan ay yeeshaan marka habeen iyo lababa waa la iska dul qaadan doontaan hadaad soo qaadan waydaan taysaradaada. Sida awgeed waxa aan u sheegaya xoogaga yar ee dadka hadhay si kastaba ha uu jeedan ee aan wali qaadan in aanay dalkan dhex socon karin ama ku dhex noolaan karin qof aan sidan aqoonsigii in u Somalilander yahay, dadka ajanabiga ah oo an muwaadin Somaliland ahayn hab baanu uu samaynayna oo xafiisyadooda baanu uu samaynayna ay yimadan sidii sharciyadii dalka ay ku joogi lahaayeen oo la siyo.”.