SAWIRO: Xisbiga Wadani Oo Shirweynihiisii Dhalinyarada Kaga Hadlay Arrimaha Doorashooyinka Iyo Caqabadaha Da’yarta

0
407

10989353_936976606326536_873912450447551488_n

Hargeysa, Somaliland – Shirweynihii dhalinyaradda ee xisbiga WADANI ayaa shalay shirweynihiisii uga furmay magaaladda Hargeysa.

Dhalinyaradan ayaaa iskaga kala yimid dhamaan goboladda iyo degmooyinka Somaliland, waxaana lagu dooran doona hogaankii dhalinyaradda ee xisbiga WADANI.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa halkaasi khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey.

1467281_936977236326473_5108535514111865504_n

Gudoomiye Cirro oo shirka furay ayaa ugu horeyn ka hadlay ujeedadda shirkan, waxaanu yidhi  “Waa Shireynihii 1aad Ee Garabka Dhallinyarada Dhallinta Ee Xisbiga WADDANI  Waa Kii Noociisa Ah Ee Xisbiyada Somaliland U Qabteen Dhalinyaro Waa Astaan In Xisbiga Waddani Ay Dhalinyaradu U Lafdhabar U Tahay  Waa Midaynta Dhalinyaradda Somaliland Ee Ka Kala Yimi Min Dhahar Ila Sayla , Min Borama Ilaa Badhan, Min Laas Caanood Ilaa Laas Geel.

Waa Bilowgi Suggidda Caddaladda Dawrka Hablaha Oo 30% Ergooyinka Laga Codsaday Inay Hablo Ka Soo Dhigaan. Waxaan Shirkan Idiinku Qabanay Inaad Qabyaaladda Kaga Baxdaan Oo

11069687_936977256326471_1560768999925496251_n 11053070_936976556326541_4757229852181185184_n 11036303_936977719659758_8747064769934105612_n 10468632_936976802993183_1724602393917275922_n 10348307_936977239659806_2854582756230259873_n

Noqotaan Hal Qabiil Keliya Oo Magaciisa La Yidhaa WADDANI Kuna Abtirsataan. Haddii La Idinka Weydiiyo Jilibka Ama Ardaaga Aad Ka Tihiin Jawaabtu WAA GARABKA DHALLINYARADA .”

Mar uu la dardaarmayey dhalinyaradda waxa uu yidhi “Waa Mustaqbalka Somaliland: Waa Maskaxda, Muruqqa, Maalka Iyo Kaydka Qaran Oo Kobcin Iyo Korin Inooga Baahan  Waa Khayraadka Ugu Muhiimsan Ee Qaranka Maanta Haddii Loo Abuuro Fursado La Maali Karo Xoggooda Iyo Maskaxdooba Isagoo Ka Duulaya Arrimaha Kore, Xisbiga WADDANI Waxa Mabda’ Asaasi U Ah In Uu Hooy U Noqdo Dhalinyaradu Kaas Oo Ay Ku Koraan, Ku Hawlgalaan, Kuna Dhistaan Hiigsi Barwaaqo.”

Gudoomiye CIrro oo ka hadlaya caqabadaha haysta dhalinyarada waxa uu yidhi “Xagga Sharciga Iyo Da’da: Waxa Xisbiga WADDANI Siyaasaddiisu U Adeegaysaa In Dhaliyarada Somaliland Laga Horqaado Caqabado Sharci Ee Ka Hortaaggan In Ay Hoggaamainta Dalka Ka Qaybgalaan.”

Gudoomiyuhu waxa uu la hadlay arrimaha Tahriibka, “ Tahriibta Waxa Sal-U Ah: Rajo Beel Ka Dhasha Waayida Waxbarasho, Shaqo Iyo Waayista Caadaaladda Tartanka Fursadaha .

Tahriibta Waxa Xal U Ah: In Xoogga La Saaro Sidii Dhibaatooyinkaas Looga Horqaadilahaa Dhalinyarada; WADDANI Waxaa Ka Go’an  In Ay Dhalinyarada Loo Soo Celiyo RAJADA,Taas Oo Keeni Kartaa Aaminaada Dalkooda; Loona Abuuro Fursadihii Ay Kaga Qayb Qaadan Lahaayeen Horumarkiisa Iyo Hoggaamintiisa Oo Aanay Cidna U Daba Fadhiisan. Waa Inaan Aminaa In Dalkeenna NIMCO FADHIDO Loona Sinaanado Nimcadaas.”

Arrimaha doorashooyinka mar uu ka hadlayey waxa uu yidhi “ Jadwalkii Uu Soo Saaray Komishanka Doorashooyinka Qaranka Waxa Uu Ahaa Kii Loo Baahnaa Oo Yimi Waqtigii Loo Baahnaa. Komishanku Wuu Dadaalay Marka La Eego Cimrigiisa. Waxay Maanta U Baxeen Soo Dhisidda Komishanka Gobolada Iyo Degmooyinka. Waxaan Ilaahay Uga Baryeynaa Inuu Hawshaas U Fududeeyo. Waxaan Ka Rajeynaynaa Inay Soo Dhisaan Siidhi Walaayaal Tartamayaasha Si Caddaalad Ah Ugu Garsooora.

– Komishanka Doorashooyinka Qaranku Maaha Komishanka Diiwaagelinta Qaranka. Waxaan Ka Sugaynay Inay Cayimaan Maalinta Doorashada. Maalintaas Cayimaadeeda Waxaan Uga Sugaynaa Sida Ugu Dhakhsaha Badan. Waanu Adagnahay, Waanu Ku Adagnahay , Waanu Ku Adagnahay In Komishanku Maalintaas Cayimo.Shacbiga Somaliland Iyo Bulshada Caalamka Oo Saaxiibka La Ah Shacbiga Somaliland Ee Inaga Taageerada Gedi Socod Dimquraadiyada Dhawaaqaas Way Sugaayaan, Si Weyn Bay U Sugayaan. Cayimidda Maalintaas Waa Waajib Sharciya Oo Saaran Komishanka.

Komishanku Waa Inuu Soo Saaraa Jadwal Dhamaystiran Oo Doorasho Una Gudbiyaa Madaxweynaha JSL.

– Madaxweynuhu Wuu Inuu Jawalkaas Ku Soo Saara Dikreeto Madaxweyne Mudada Sharcigu Siiyey Inuu Ku Soo Saaro Oo Aan Ka Badnayn 15 Maalmood.

– Mowqifka Xisbiga WADDANI Waxa Uu La Mid Yahay Mowqifka ISBAYHAYSIGA MUCAARIDKA Oo Ah Haddii Doorooshinykii Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada JSL Ku Qabsoomi Waayaan Waqtigooda, In Sida Ugu Dhakhsaha Badan La Isugu Yimaado Talo Qaran.”

Wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya ayuu ku tilmaamy mid ma dhalays ah oo u baahan in gabi ahaanba la hakiyo, isla markaana awoodda la saaro sidii doorashooyin inoogu qabsoomi lahaayeen.