Maleesiyooyinka Ka Amar Qaata Suldaan Wabar Oo La Sheegay Inay Dhaqdhaqaaqyo Ka Wadaan Soohdinta Labada Dal Ee Galbeedka Boorama

0
338

Boorama, Somaliland – Wararka ka imanaya dhinaca soohdinta u dhaxaysa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ee galbeedka Boorama ayaa sheegeya in maleesiyada ka amar qaadata Suldaan Wabar kuna sugan dhinaca Itoobiya ee soohdinta ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo.

Sida wararkaasi oo aan la xaqiijini sheegeyaan maleesiyada Suldaan Wabar ayaa ku soo dhawaatay dhinaca soohdinta gaar ahaanna dhulka ku teedsan fadhiisimada ciidanka qaranka Somaliland, soona gaabiyey masaafadii u dhaxaysay labada dhinac laguna qiyaasi jiray inay ka badan tahay 5km, maleesiyadaasina ku soo dhawaatay meesha la yidhaahdo Tiinka Degmo Laqas ee dhinaca Itoobiya meeshaas oo ahayd goobtii uu Suldaan Wabar ka bilaabay maleeshiyo urursiga saddex bilood ka hor.

Inkastoo aanay jirin warar madax bannaan oo warkan xaqiijiyey hase yeeshee sida ay sheegeyaan warar laga helay jiidaasi, cutubyo ka tirsan maleeshiyada oo kala deggenaa goobo kala duwan kuna kala toosan dhinaca Itoobiya ee magaalada Qulujeed, iyo degaanka la yidhaahdo Layilakaal kuna toosan galbeedka Boorama ee soohdinta dhinaca ayaa haatan la isugu keenay galbeedka degaanka Degmo Laqas ee dhinaca Itoobiya.

Inkastoo aan la ogeyn ujeedada ka dambaysay dhaqdhaqaaqyadan u dambeeyey ee maleeshiyada Suldaan Wabar hase yeeshee warar kale ayaa sheegeya in dhaqdhaqaaqa maleeshiyadani ka dambeeyey hadallo sida la sheegyo ka soo yeedhay Qurba-joogga reer Awdal ee taageera maleeshiyadu kuna canaanteen maamulka jabhaddu inaanay wax guulo ah ka soo hoyn dagaaladii loo baahnaa inay ku qaadaan ciidamada iyo dawladda Somaliland, kana gaabiyeen, iyagoo dhinaca kalena qurbajoogga reer Awdal ee maamulka maleeshiyada lugta ku lihi ka xumaadeen xubno ka soo goostay maleeshiyada Suldaan Wabar markii ay fariimo ka heleen hogaamiye-beeleedyo iyo siyaasiyiin kaga jirta golayaasha qaranka iskana soo galay magaalada, iyadoo dhinaca kalena hadalhaynta dagaallo iyo nabadgelyo-darro kooxda Wabar ka timaadda ku sii yaraanayso degaanada Boorama iyo kuwa fadhiisinka u ah ciidamada qaranka marka laga reebo falal budhcadnimo ah oo degaanada ka dhacaysay, waxana dhaqdhaqaaqan u dambeeyey loo fasiran karaa inuu yahay abaabul dagaal oo lagu raalligelinayo qurbajoogga reer Awdal iyo cid kastoo taageera siisa Maleeshiyada Suldaan Wabar.

 XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI