Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Dhagax Dhigay Dhismo Cusub O Loo Dhisii Doono Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

0
341

“Nashqad heer caalami ah ayaa Wasaarada Macanta lagu dhisayaa,”  Wasiirka MacantaXuseen Cabdi Ducaale

Hargeysa, Somaliland – Madaxweyne Ku Xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaacil Saylici ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto wasaarada macdanta iyo Tamarta Somaliland, kaas oo loo dhisi doono naaqshad heer caalami ah.

Xaflaada loo sameeyey dhagax dhiga oo lagu qaabtay xarunta Wasaarada Macanta, ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq, Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada macdanta Iyo Tamarta imikana ah wasiiru-dawlaha Wasaarada Biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan iyo marti sharaf kale.

1013431_667655990027112_6638896805359550156_n

Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka hadlay munaasibada dhagax dhiga xarunta cusub ee wasaarada macdanta waxa uu yidhi “Maanta farxad-weyn ayey noo tahay inaanu dhagax dhigno xaruntii Wasaarada Macdanta iyo Tamarta, anaga oo uga mahad-naqayna ka qaybgalka ay ka qaybgaleen shirkaddaha sahanka ugu jira baadhista shidaalka iyo Gaasta Somaliland oo aanu heshiisyo kula jirno.

Shaqada waxa ugu muhiimsan in la hagaajiyo meesha lagu shaqeynayo waxa ku xigaana waa in shaqaalaha la tayeeyo, runtiina shirkadduhu waxay nagula hawl jiraan in shaqaalahana la tayeeyo oo la diyaariyo shaqaale mustaqbalka hawsha qaban kara iyo in la tayeeyo xafiiska lagu shaqaynayo. Waxaanan u mahad-naqayaa shirkadaha sida wanaagsan noola shaqeeyo una huray dhaqaalahoodana inay ku maal-galiyaan xafiiskan oo noqon doona wasaarada ugu quruxdda baddan qiimaha ugu baddana la galin doono, taasina mustaqbalka ka turjumi doonto in ILAAHAY inagu guuleeyo wixii aynu rajaynayno oo ay dalkan u soo baxaan khayraadkiisa dihin kana bixi doono cidhiidhiga.”

Madaxweyne Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu bogaadiyay Wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale iyo shaqaalaha Wasaarada, waxaanu yidhi“Waxa kale, oo aan aad ugu mahad naqayaa Wasiirka Wasaarada iyo shaqaalihiisa oo muddo dheer hawshan ku jiray  sameeyeyna soo jiidashada in dalkan la maal-gashado, kuna dhiiri geliyey shirkaddaha kala duwan inay maal-gashadaan Somaliland oo ay ka baadhaan shidaalka iyo Gaasta, hawl adagna ka soo qabtay Wasaaradan mudaddii  shanta sanadood ahayd ee aanu xilka haynay.Waxa kale oo aan ugu mahad-naqayaa guddida qandaraasyada qaranka  oo nidaamkii loo baahna marisay mashruucan maadaama loo baahan yahay mar walba in la sameeyo nidaam saxsan si uu u soo baxo qofkii loo baahnaa meeshana uga baxdo mad-madawga aynu isku canaano.”

10359909_667655993360445_5748681286232063733_n

Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo isaguna munaasibada dhagax dhigay Xarun cusub oo loo dhisi doono Wasaaradiisa, ayaa waxa uu yidhi  “Farxad weyn ayey u tahay Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo muddo dheer sugaysay inay hesho maal-gashi ay ku dhisto dhisme muuqaal leh, inay maanta fursadii aanu ku bilaabi lahayn dhismaha Wasaaraduna maanta timi, dedaal baddan ayaanu galinay inaanu helno maalgashi lagu dhiso xarunta Wasaarada anaga oo u tudhayna miisaaniyadeena yar  inkasta oo wasaarado baddan laga dhiso, markaa waxaanu is nidhi maal-gashi u doono dhismaha xaruntan Wasaaradan markaas codsiyo baddan,ka dib waxa noo aqbalay shirkadaha aanu wada shaqaynta leenahay ee shidal baadhista u jooga heshiiskana nagula jooga, aadna waan uga mahad celinayaa inay aqbaleen codsigayagii ahaa inay noo maal-galiyaan dhismaha cusub ee Wasaarada.”

“Guryaha halkan laga dumiyey gumaysigii ayaa ka tagay, maantana waxaanu dhisi doona wasaarad muuqaal leh oo laga dheehan karo dhismaheeda iyo maamulkeeda-ba anaga oo tix-gelinayna inaanu ka soo horjeedno guriga madaxtooyada waxaanu aad iskugu taxaluujinay inaanu dhisno wax naf leh, markii lacagta noo soo xarootay ee shirkadaha shidaalku naga aqbaleen dhaqaalihii ku baxayey mashruuca dhismaha  waxaanu u gudbinay guddida qandaraasyada qaranka shaqo aanu ku lahayna ma jirto  waxaanan ku idhi waa in mashruucaas lagu bixiyo nidaam saxsan oo furan, markaas wuxuu buray hab caalami ah aniga oo uga mahad-celinaya guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka inaanu wax is qab qabsi ahi ka iman ciddii ku guulaysatay.”Ayuu yidhi Wasiir Xuseen.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Nashqadii  caalamiga ahayd ee aanu ku salaynay in lagu dhiso Wasaaradan oo ay noo samaysay Shirkad la yidhaahdo RIO Architect  khaasatan ninka dhigay naqshada cusub ee Wasaarada Maxamed Bashiir aad ayaan ugu mahad-celinayaa , waana nashqad heer caalami ah ayaa wasaarada lagu dhisayaa, shirkadaasina hawlo baddan ayey hada ka wadaa magaalada waanan u mahad celinayaa.”

Waxa dhismaha Wasaarada Macanta ku guuleystay Shirkad Waddaniya oo la yidhaahdo Al-Najax Construction Company.