“Haddii Cabdiraxmaan Ciro Oo Ah Guddoomiyaha Waddani Golaha Wakiillada Nacay Isagu Ha Iska Tago” Xildhibaan Dheeg

0
301

Hargeysa, Somaliland -Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo ka tirsan xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in aanay dastuurka ku jirin qodob odhanaya dawlad ku meel gaadh ah ha la sameeyo, isla markaana uu xusay in dastuurka la codeeyey wakhti hore.

Sidooo kale,  waxa madasha wadatashiga ku eedeeyey koox aan sharciga iyo dastuurka meelba kaga jirin, isla markaana tilmaamay in aan  golaha wakiiladda la kala diri Karin, balse qofkii doonaya uu iskaga tagi karo.

Xildhibaan Dheeg oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dalku waxa uu leeyahay Sharci isaga oon siilaanyo Madaxwayne Ahayn Ciirana aanu mucaarad ahayn ayaa lasameeyay dastuur 97% ayaa u codeeyay markaas kaas ayaa loo cadeeyay dalkuna ku shaqaynayaa oo aanu ku ognahay, dawlad ku meel gaadhka ah iyo golaha wadashtigu cod ha u qaadaan oo shacabka hawaydiiyaan oo ha u soo codeyeen sida dastuurka loogu codeeyay. Ragga leh Dawladana way siidhacaysaa ee dawlada ku meel gaadh ah hala sameeyo anagu garan mayno,Ninka doonaya inuu dalkan madax ka noqdana ama wasiir ka noqdo waxa uu ku fikiro iyo waxa uu idaacada ka soo jeediyo dawlada ku meel gaadh ahi majirto,markaas waxaan odhan karaa axsaabta mucaaradku shacabka ayuunbay isku sheegayaan inaanay waxba qaban Karin.”

“Gole kastaa ilaa inta gole lasoo dooranayo isaga ayaa kursiga fadhiyaya ilaa inta laga soo dooranayo gole kale oo bedeli doona,Mana dhici doonto in golaha laka diro ninka ku han-jabaya golaha hala kala diro isagu ha iskaga tago golaha Ayaan odhan karaa,Lakiin sharciga dalka u yaala nina ka talaabsan mayo.”ayuu yidhi isagoo u duur xulaya Guddoomiyaha golaha Wakiiladda oo ku baaqay in golaha la kala diro.

Xildhibaanku mar uu ka hadlayey madasha wadashiga waxa uu yidhi “Nimankan madashu in ay galaan xisbiyad mucaaradka way ka xaragoodeen,laakiin waxaan la siiyaabanay nimanka diidan in ay ku biiraan Axsaabta siyaasada ee hadana talooyinka lasiinayo ee hadana leh golahii wakiilada hala kala diro sharci dajinta ahaa ayaan la yaabanay.”

Mar uu ka hadlay inay golaha GUurtiddu diyaar u yihiin inay kordhiyaan mudadda madaxweynaha waxa uu yidhi“Guurtidu inta ay iska fadhiisato waxba makordhiso komiishanka ayay ka timadaa,Golahuna waa uu ka fadhiistaa,markaas wali anaga waxba namay soogaadhin waraaq nafarsaysa in mudo kordhin aanu samayno,markaas kolay dalku fawdo galimaayo ee waajibaadkiisa dastuuriga ah ayaanu ka gudanaa,haday doorasha dhici waydo xukuumada joogta ayaanu u kordhinaa,haday dhacdana cidii Aanu doono ayaanu u codaynaa.hadii cabdiraxmaan Ciro oo ah guddoomiyaha Wadani golaha wakiilada nacay isagu ha iskaga tao gole kala tagayaa majirto,shacabkana waxaan leeyahay nin kursi jacayl hayaan yaanu idinku guurin oo hadhow idiin furi doonin.”