“Anaguna Waxaanu Rajaynaynaa inay noqon doonto Dhismaha Cusub ee Wasaarada Macanta aanu u dhisi doono mid soo jiita indhaha dadka anaguna (Al-Najax Construction) aanu magac ka helno.” Khadar Ciise Haybe
Hargeysa, Somaliland – Shirkadda ku guuleysatay qandaraaska dhismaha loo yagleeli doono Wasaarada Macdanta Somaliland ee AL-NAJAX Construction ayaa sheegtay inay dhisi doonaan dhisme Casri ah oo indhaha bulshada soo jiita, oo aanu anagu magac ka helno.
Eng. Khadar Ciise Haybe oo ka mida Injineerada Shirkadda Al-Najax Construction Company ayaa waxa uu ka hadlay munaasibadii loo sameeyey dhagax dhiga Xarunta cusub ee loo yagleeli doono Wasaarada macdanta Somaliland ayaa waxa uu yidhi“Waxaan u mahad-naqayaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo maanta dhagax dhigay dhismaha Casriga ah ee loo dhisayo Wasaarada Macdanta iyo Tamarta, taas oo dhismaheedu ka qurux baddnaan doono kana bilicsanaan doono Wasaaradihii kale ee la dhisay.Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka oo arrintan sii cadaalad ah uu galay, sidii ugu habonaydna u soo doortay Shirkada ku guulaysatay dhismaha xarunta cusub ee loo yag-leeli doono Wasaarada macdanta oo ah Shirkada Al-Najax, waxa kale oo aan u mahad-celinayaa Wasiirka macdanta oo si fiican noola shaqeeyey haday dumintii dhismaha noqoto iyo sidii ay uga guureen dhismihii hore, iyagana waxaan u mahad-naqayaa dadkii arrinta ka soo shaqeeyey.”
Khadar Ciise Haybe waxa uu u mahad-celiyay Shirkadda RIO Architects oo uu ku tilmaamay inay waddanka ku soo kordhisay naqshado casri ah oo an hore loga arag magaladda Hargeysa.
“Waxaan u mahad-naqayaa Shirkadda RIO Architects oo waddanka ku soo kordhisay naqshado casri ah oo ka qurux baddan kana bilic baddan naqshadihii hore ee la samayn jiray. Waddankan xirfada Architects wuu hooseeyaa, laakiin marka naqshada la arko waa la fahmi karaa dhismuhu waxa uu yahay, waanan uga mahad-celinayaa naqshada ay iska xil saareen ee aadka u sareysa lanaa odhan karo waxay noqon doontaa muftaax ay ku galaan suuqa samaytna naqshadaha ama Architect anaguna waxaanu rajaynaynaa inay noqon doonto mid soo jiidata indhaha dadka anaguna aanu magaac ka helno.”
HALKAN KA DHEGAYSO: