Agaasime Waaxeed Iska Casilay Warfaafinta Oo Tilmaamay Dhibaato Wasaaradda Uu Wasiirkeedu Ku Hayo

0
443

 “Waxa ii muuqday inay rajo beel tahay xalinta khilaafka dabada dheeraaday ee ragaadiyay Wasaarada oo ay adag tahay in loo helo xal-waara inta aad sii joogto, wax horumar ahna la sameyn kari-waayay” Ina Saleebaan Weyne

Hargeysa, Somaliland -Agaasimihii Waaxda Farsammadda ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Axmed Saleebaan Maxamed (Ina-Saleebaan Weyne) ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu ka hayay Wasaaradaasi,ka dib markii uu u adkaysan waayay mulaaqa iyo shaqo xumida uu gacmihiisa ku  sameynayo Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Waraqda iscasiladda

Agaasimaha Waaxda Farsamadu Waxa uu qoraalkiisa istiqaalada ah oo uu u gudbiyay Wasiir Cukuse ku sheegay sida aan looga rajo qabin in wasaaradu ay hagaagto illaa inta uu joogo Wasiirka Warfaafinta oo caadaystay inuu si ficil ah ugu gabood falo, shaqaalaaha iyo madaxda Wasaaradda uga hooseysa-ba.

“Mudane Wasiir aniga oo ah Axmed Saleebaan Weyne, Ahaana Agaasimihii hore ee Farsamada Wasaarada warfaafinta, laga soo bilaabo 2011-ka ilaa imika, waxaan halkan kugu caddeynayaa, anigoo jidh iyo maskax ahaanba u Caafimaad-ba, inaan iska casilay xilkii aan ka hayay Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta. Maadama aan u dul-qaadan kari waayay cadaalad darrada iyo dhibaatada aad ku heyso Shaqaale Hoosaadka Wasaarada oo ay ugu danbeysay saddexdii dhacdo, ee aad shaqada kaga joojisay saddexda shaqaale ee Waaxaha TV-ga iyo Idaacada ka hawl geli jiray. Iyaga oo aan wax dambi lahayn. Laga reebo in ay u hogaan sameen awaamiirtii masuuliyiinta sarsare ee Wasaarada oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud iyo Maareeyaha TV-ga. Oo aad adigu ku boorin jirtay shaqaalaha inay u hogaansamaan awaamiirta masuuliyiinta xilka kaaga hooseeya, laakin markay shaqaalihii ajiibeena aad amarkaagii ugu badashay handadaad iyo shaqo ka joojin.

Waxa kaloo ii muuqday inay rajo beel tahay xalinta khilaafka dabada dheeraaday ee ragaadiyay Wasaarada oo ay adag tahay in loo helo xal-waara inta aad Wasaarada sii joogto, wax horumar ahna la sameyn kari-waayay mudooyinkii danbe.

Waxaan kaaga mahad celinayaa wadashaqeyntii mudadii aad xilka wasiirnimo ka haysay Wasaarada, waxaan ka rajeynayaa adiga oo tixgelinayaa xaaladaha kor ku xusan, inaad iga aqbali doonto codsigayga.”