Hargeysa, Somaliland – Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa ka qaybgalay Shir Qaadhaan lacageed loogu ururinayey dhammaystirka dhismayaasha qabyada ah ee Sariibadda Suuqaa Waaheen qaybta Hiliblayaasha, kaasoo shalay lagu qabtay Hoolka Shirarka ee dawladda hoose ee Hargeysa, waxaana halkaas ay keeneen.
Ka sokow Maayerka Caasimadda, waxaa Shirkaas ka qaybgalay Ku-xigeenka Maayerka, Xildhibaanno Golaha Deegaanka ka tirsan, Ganacsatada Hiliblayaasha ee ku ganacsada dhismayaasha dunsan ee Sariibadda Suuqa Waaheen, kuwaasoo halkaas ku soo bandhigay qaadhaan lacageed oo ay iska soo ururiyeen.
“Anigoo ah Faadumo Faarax Guuleed waxaannu iska soo ururinnay 5200 (shan kun iyo laba boqol oo Doollar), qaybta dunsanina waa afar iyo lixdan aqal.” Sidaa waxa tidhi Faadumo Faarax oo shirkaas ku soo bandhigtay, lagagana guddoomay qaadhaanka Lacageed ee ay iska soo ururiyeen dadka ku ganacsada dhismaha dunsan ee Sariibadda Suuqa Waaheen. Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco oo isaguna shirkaas ka hadlay, waxa uu u mahad-celiyey Ganacsatada Hiliblayaasha ah ee qaadhaanka lacageed iska soo ururiyey, waxaanu yidhi; “Dib u qiimeyn baannu u soo samaynay, waxa la yidhi labada Baloog ee hadhay waxa ku baxaya dhawr iyo afartan kun, haddii ILLAAHAY yidhaahdo Berri subaxna (maanta) waa la bilaabi doonaa.”
“Dhaqaale-ururintu kuma waajib ah oo keliya qolada meeshu ka dunsan tahay, haddii laba Baloog hore u dhismeen waa wax la idiin wada dhisay, markaa qolada kalena waxaan leeyahay soo bixiya qaadhaanka intaan la is-qabsan, waxaynu nahay dad shuraako wada ah oo ku shuraako ah shaqadaa ay wada qabanayaan.” Sidaa ayuu yidhi Maayerku. Waxa kale oo uu Maayerka Caasimadda oo ay weheliyeen Mudanayaal ka tirsan Xildhibaannada Golaha Deegaanka, ay kormeer ku soo mareen Waddo laga hirgelinayo Xaafadda Sheekh Nuur oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa. Xildhibaan Xasan-Shahar oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax, ayaa iyagu Maayerka Warbixin ka siiyey sida uu u socdo Jidkaasi, isla markaana sheegay in Jidkaasi yahay kii ugu horreeyey ee dawlad hoose oo Hargeysa ahi wax ka qabato, iyadoo Xaafaddaasi aanay hore u lahayn Jid laamay ah oo dhex-mara.
Maayerka Caasimadda oo isaguna gebo-gabadii halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaannu in badan ka fikirnay ma nin dhaqaale haysta oo Xaafadihii ladnaa ee magaalada Kooneheeda ayuun baynu ka shaqaynaa, mise Xaafadaha danyarta ah? Markii su’aashaa Golaha deegaanku is-weydiiyey waxa la qaatay in laga shaqeeyo Xaafadaha danyarta ah.” “Waddadaa ka soo bilaabantay Akaademiyadda ee Degmada Kood-buur ee degmada Gacan-libaax ku istaagtay, immikana Gacan-libaax illaa Macallin Haaruun ayaannu sii wadi doonnaa Insha ALLAAHU.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).
HALKAN KA DAWO: