DAWO “In Lay Eryayo 30 Cisho Ka Hor Baan Sii Ogaa.” Agaasimihii Hore Wasarada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada

0
330

Hargeysa, Somaliland – Mudane, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Oo Madaxweyne Siilaanyo xilka kaga qaaday Isku Shaandhayntii u dambeysay ayaa xil wareejintiisa si saraaxad leh ugaga sheekeeyay arrimo ku saabsan xilka qaadista iyo sida uu u arko in Xilka laga qaaday, isagoo ku hoga tusaaleeyay dhacdooyin hore.

Mudane Galaydh, oo Khamiistii Xilka wareejiyay ayaa ugu horayn Madaxweynaha u soo jeediyay inuu ilaaliyo Sirta xilka qaadista, isagoo sheegay inuu bil ka hor ogaa erigiisa “Laba Inan oo legdamaya oo iska ciyaaraya ayaa Mid Hooyadii aragtay oo ku tidhi waar Ninka Tabcee, markaasuu kii kalena yidhi Anna waan maqlayaa waanan arkayaa, markaas waxa socda waynu aragnaa waanan la soconaa.

Waxaan raacinayaa, Nimanyahow Wasiiradiina waa fadhiyaane, Soomaalidu waxay tidhaa Masuuliyiin meelna ma wada seexdo waxna iskuma seeggana, Anigu bil ka hor baan ogaaday in la Eryayo, sodon cisho ka hor ayaan ogaaday. Suuqa ayuun baad soo galaysaa markaas uun baa lagu odhanayaa Galaydhow Eri baad tahay, waar heedhe Baryahan ba diyaar baan ahaaye bal ii Waran, Markaasuu ku leeyahay waa lagaa tashaday, Go’aan baa lagaa gaadhay oo Eri baad tahay waanay Rumoobaysaa, Markaas Run ahaantii Farriintaas waxaan u dirayaa Madaxweynaha oo aan leeyahay bal horta Sirtuun ha la ilaaliyo.

Galaydh waxa uu sidoo kale ka hadlay xilliga isku shaandhaynta la soo saaro “Xalaal iftin baa la qashaaye, habeen badhka ayuun baa lagu odhanayaa waa lagu eryay adigoo subixii soo shaqo tagaya. Markaa waxaan leeyahay shaqadii qarankuba waa socon laadahaye bal horta Wasiiradan uun halaga daayo Naxdinta, aniga imika igaba hadhay oo iska nafis baan ahaye, laakiin, qoladan dambe waxaan leeyahay waar bal iska shaqeeya uun kolay waa la idin soo gaadhayaaye.”ayuu yidhi Mar Galaydh.

Agaasimahan hore waxa uu sheegay inuu shaqo dawladeed waayo arag u yahay in xilka lagaa tiriyo iyo in laguu tiriyaana dabcigeeda tahay balse aanu u bogin qaabkan looga qaaday isagoo qisooyinku macneeyay sida isaga iyo Madaxweynaha looga kala dhex shaqeeyay.

Mudane Galaydh,waxa uu sheegay inay Madaxweynaha isku fiicnaayeen balse la isku diray “Waxaa la yidhi baribaa laba wadaad muddo dheer saaxiib ahaayeen. Labadaas wadaad isma khilaafaan, isma qabsadaan, waxba isma yidhaahdaan, waxay is yidhaahdaanbana way isku raacaan.

Maalintii dambe Salaad Casar galeen, Iyagoo tukanaya Salaaddii Casar, ayaa Nin dheer oo Khamiis Cad sitaa soo kala dhexgalay, Dhinacna wuu xiiran yahay dhinacna timuu ku leeyahay, hadhow markay Salaadii ka baxeen, ayuu Mid yidhi Waaryaahee Ninkii dheeraa ee Khamiiska sitay ee ina soo dhex galay muxuu ahaa?..Kii kale ayaa yidhi ma Ninkii Dheeraa ee Timaha lahaa baad sheegaysaa??… kale ayaa yidhi Waar Illaahay ka baqo Timo muu lahayne, markaasuu kii kalena yidhi wuu Xiirnaa, bartii bay isku qabsadeen labadii Wadaad, Labadii wadaadna halkaas bay ku kala tageen…Markaas kolay dhan xiirkaasi waa jiraa..

Barina waxaa la yidhi Nin baa Muddo magaalo ka maqnaa, markaasay Niman badani yidhaahdeen alla waar waa hebel markaasay mar kor u wada qaadeen, Nin ay Col ahaayeen ayaa Xiniinyaha Qabtay,markaasuu yidhi Waar I dhiga Nin walba halkuu iqabtay waan garanayaaye, markaas annigu haddaan Galaydh ahay Nin walba halkii uu I qabtay waan garanayaa” ayuu yidhi Mudane Galaydh.

HALKAN KA DAWO: