Hargeysa, Somaliland – Ergadii abid ugu horeysay ee dhalinyaro ah oo ka socotay gobalka Buuhoodle ee magaalada Buuhoodle iyo Dhahar oo hordhac u sii ah egrooyinka ka maalinta Isniinta ah ee fooda inagu soo haysa ka qayb galaaya shirweynaha dhaliyarada heer qaran ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.
Waxaana soo dhawaynta ergadaasi duleedka magaalada Hargeysa kaga hortagay, soo dhawayn diiran ku qaabilay hogaanka xisbiga, xoghayaha xidhiidhka gobalada, xoghayha dalxiiska, iyo masuuliyiin kale oo aad u tira badan.
Xoghayaha xidhiidhka gobalada xisbiga Waddani Md:Cabdilaahi Axmed Maxamed, oo ugu horeyn halkaai warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ay si aada u soo dhawaynayaan ergada ka socota Buuhoodle iyo Dhahar, waxaana uu sheegay in ay ka xisbi ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in ay xisbiga Waddani uu fursad u siiyo dhalinyartu ay dareen noocan oo kale ah helaan.
“Waxaanu halkan si sharafleh oo diiran ugu soo dhawaynaynaa gudiga heer qaran ee dhalinyarada ee ka soo qayb galay shirweynaha dhalinyarada heer qaran ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, nasiib wanaag waa ergadii ugu horeysay ee soo timaada caasimada dalka, waanu ku soo dhawaynaynaa, waxaana aanu leenahay ku soo dhawaada caasimada Hargeysa, waa ergo khayr qabta la kowsatay xili wanaagsan, marxalad wanaagsan sida aad wada ogsoon tihiina waa markii ugu horeysay ee Jamhuuriyada Somaliland la marti qaado dhalinyaro loo qabto shir heer qaran ah oo kan oo kale ah, waa markii ugu horeysay ee boqolkiiba sodan haweenka la siiyo ama hablaha la siiyo, waa markii ugu horeysay ee dhalinyaradu ay tixgalinta inta leeg ay ka helaan xisbiyada qaranka. markaa waxaanu leenay soo dhawaada, guddoomiye adiga iyo ergadaaduba ku soo dhawaada Hargeysa.”.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee magaalada Buuhoodle Md:Fu’aad Maxamed Mixile oo ugu horeyn isna halkaasi ka hadlay ayaa si aada ugu mahad celiyey dhamaanba masuuliyiinta xisbiga Waddani ee sida diiran ugu soo dhaweeyey duleedka magaalada Hargeysa, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ku faraxsan yihiin in iyaga oo ka yimi gobal aad u fog ay hadana noqdaan ergadii ugu horeysay ee soo gaadha caasimada Hargeysa oo ah halka uu ka qabsoomayo shirweynaha dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani, isaga oo sida oo kalena tilmaamay in xisbiga Waddani uu yahay xisbi kaliya ee si mug leh u haysta kalsoonida dadka shacabka ah eek u dhaqan magaalada Buuhoodle.
“Waanu dhawnahay waana aanu ka mahad celinaynaa soo dhawaynta balaadhan iyo ixtiraamka kalgacal tooyo ee hogaanka xisbiga Waddani nagu soo dhaweeyeen, waana wax ay ku diirsanayaan ergadayda iyo dhamaanba bulshada gobalka Buuhoodle iyo dhaharba, sida aan u malaynaayo Buuhoodle waa deegaanka ugu balaadhan uguna fog ee masaafo ahaan caasimada u jira, waa dedaal aad arkaysaan in uu yahay gobalkii ugu horeeyey ee aqbala kana soo ajiiba casuumadaas loo fidiyey ee shirweynaha heer qaran ee dhalinyarada. sida runtii ah deegaankaasi waa deegaan aan aamin sahay in xisbiga Waddani uu hantay boqolkiiba 99%, halka 1% ka hadhayna aanu insha Allah Illaahay ha ka baryeyno in uu noo soo hadeeyo ayaan aad u rajaynayaa, waan aanu dhawnahay guddoomiye waan aad mahadsantihiin boqolkiiba boqol.”.Ayuu yidhi Md:Fu’aad Maxamed Mixile.