“Aniguna waan ad adagahay xaga milatarigana waan ku adkaa iyo xaga sharciyada askari qaad sita oo halkaas soo galena anigu ma Ogoli”Taliyaha asluubta Xudhuun
“Kolayna anigu idinkamaan fogaan oo baddi uunbaa tagay ee ilaahay ii baraya inaanay iliqin intaan dabaasha baranayo”Xiiranne
Hargeysa, Somaliland -Taliyaha Cusub ee ciidanka Asluubta Somaliland Gen Maxamed Cisamaan Xudhuun, ayaa shalay kala wareegay taliyihii hore ee ciidankaasi Gen: Maxamed Faraax Xiirane oo imika loo bedelay taliyaha Badda Somaliland.
Munaasibadan oo lagu qabtay taliska ciidanka Asluubta ayaa xilka waxa u kala wareejiyay labada taliye Guddoomiyaha Maxkamada Sare.Waxa Munaasibadana lagu soo bandhigay Heeso ka Turjumay Siday Ciidanku u ilaaliyaan Maxaabiista iyaga oo gudanaya Waajibaadkooda Shaqo.
Ugu horayn Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Xasan Cali Cawad ayaa ka warbixiyay Ciidanka iyo Talaabooyinka Ay qaadeen Kaas oo ku sifeeyay mid guul u ah qaranka.
waxa uu sheegay in sumadii uu ciidanka u jeexay Madaxwayne Siilaanyo ay Ku hagayaan taas oo ku tilmaamay mid Ciidanku u hogaansamay,waxaana uu ugu horayn ka hadlay wax qabadka ciidanka, waxaanu yidhi “Ciidanku waa Walaalaha Maxaabiista ku Jira Jeelalka,waxaana ay Siiyaan Aqoon ku saabsan sidii Ay wax u Baran Lahayeen,Kuwaas oo jeelka dhexdiisa lagu baro Aqoon kala Gadisan oo ay naftooda ku anfacaan Marka uu xabsiga lagu Xukumay ka dhamaado,Maanta munaasibadan aynu joogno waxa aynu ku sabootinaynaa Taliyihii Hore ee ciidanka Asluubta,waxaana aynu ku soo dhawaynaynaa Taliyaha Cusub ee Ciidanka.”
Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta somaliland Xasan Cali Cawad waxa uu sheegay in Ciidanku Guula Badan gaadheen inta uu xilka hayay Taliyaha Maanta xilka wareejinaya oo ku tilmaamay Mid Xaal ogaa Markas Ciidanka.
“Ciidanku waa Walaalaha Maxaabiista ku Jira Jeelalka,waxaana ay Siiyaan Aqoon ku saabsan sidii Ay wax u Baran Lahayeen,Kuwaas oo jeelka dhexdiisa lagu baro Aqoon kala Gadisan oo ay naftooda ku anfacaan Marka uu xabsiga lagu Xukumay ka dhamaado,Maanta munaasibadan aynu joogno waxa aynu ku sabootinaynaa Taliyihii Hore ee ciidanka Asluubta,waxaana aynu ku soo dhawaynaynaa Taliyaha Cusub ee Ciidanka.
Wasaarada Cadaalada waxa ay la shaqaysaa Ciidanka Asluubta,waxaana ay ka kaalmaysaa Ciidanka dhanka Cadaalada,Markasta waxaanu awooda saarnaa sidii Ciidanku sharciga udhiqi lahayeen Maxaabiista taas oo Ah inaan Qofka Maxbuuska Ahi Loola Dhaqmin waxa sharciga ka Soo Horjeeda.
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul insaanka Somaliland Fadxiya Xuseen Jaahuur ayaa sheegtay in aanay jeelalka Somaliland ku xidhnayn Qof tirsanaya Cadaalada Daro ama aanay maxkamadi xukumin,taas oo ciidanka asluubta iyo taliyahooda ku sheegtay mid wada shaqayn buuxdi ka dhaxaysay oo markasta albaabada u furi jiray si ay u ogaato xaalada maxaabiista Somaliland.
Taliyihii Hore ee ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Faarax Xiire ayaa isna sheegay inuu Xilku meerto yahay,kuna Nidsayn Yahay Xilka loo dhiibay,waxana uu ka waramay inta uu xilka hayay waxyaabihii u qabsoomay iyo Waayo Aragnimo uu siiyay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta.
“Halkan Maanta Anigu waxaan kagag tagayaa ciidan muuqda oo dhisan oo heegan ugu jira sidii ay u ilaalin lahayeen maxaabista,markii hore ee aan xilka lawareegay Qolyar Ayaan kula wareegay maantana waadigaas arkaya,kolay taliyaha cusub waxaan leeyahay waayo aragnimo ayaad ka dheehan doontaa ciidanka,hawshana iyaga ayaa kula qaban doono,kolayna aniguna idinkamaan fogaan oo badi uunbaa tagay ee ilaahay ii baraya inaanay iliqin intaan dabaasha baranayo”ayuu yidhi Xiiranne.
Xiirane oo hadalka siita waxa uu intaas ku daray “Ciidan Iyo saraakiil Mudan oo shaqadu waxa ay tahay taqaan ayaa idiin jooga meeshan,Waxaan u sameeyay ciidanka faysal,gawaadhidii aan la wareegay markiiba kuwa ciidanka ayaan u eekaysiiyay,Lakiin Maanta taliye waxaad lawareegaysaa Ciidanka Dhisan oo Meelkasta kuu jooga Amar Qaadasho Dhawna”.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Ee Asluubta Somaliland Maxamed Cisamaan Xudhuun ayaa isna sheegay inuu Dhagaysan Doono Saraakiisha Ciidanka hurmuudna u noqon Doonaan inta uu Baranayo Masuuliyiinta Ciidanka,waxaana uu Ciidanka ku guubaabiyay in ay is Garab tagaan,shaqadana barbarkooda qabtaan.
“idinka ayaan idinla Tashan Doonaa,Hadaan dhacana waad iqaban Doontaan,aniguna waan ad adagahy xaga milatarigana waan ku adkaa iyo xaga sharciyada askari qaad sita oo halkaas soo galena anigu ma Ogoli,Laakiin waxaan leeyahay sharciga waa in loo hogaansamaa,wada shaqayn Fiican Ayaan idin leeyahay.”
Gaba-gabadii Waxa xilka labada taliye u kala wareejiyay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf ismaaciil Cali kaas oo labada taliyeba u raeejiyay inuu xilalka loo kala dhiibay ilaahay ku asturo.