Hargeysa, Somaliland -Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sheegay in la dhaafay wakhtigii hanjabaadda, isla markaana aan looga baqayn cidnaba inay waxyeesho amniga dalka.
Sidoo kale, waxa uu ku sababeeyey dib u dhaca doorashadda ku timaadda inay sabab u tahay qaadhaanbixiyeyaashii oo aan weli lacagtooddii keenin iyo xeerarkii xildhilbaanadda oo wali qabyo ku ah golaha Wakiiladda.
Sidaasna waxa uu wasiir Waran-cadde ka sheegay munaasibad lagaga hadlayey arrimaha doorashooyinka oo uu xisbiga KULMIYE ku qabsaday Hargeysa, waxaanu cadeeyey in qaybtii dhaqaale iyo farsamo ee dawladdu ku lahayd ay dhamaysay.
Wasiir Waran Cadde oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dawladu kaalinta ay ku leedahay doorashooyinka waa mid cad, waa mid aan la khaldi-karin oo aan laga been sheegi karin oo la hafri karin, kaalmaha ay Dawladu ku leedahay waxa kow ka ah inay diyaariso dhaqaalihii nagu soo hagaagay Xukuumadd ahaan in doorashooyinku ay ku qabsoomaan oo halkana aan doonayo inaan ka cadeeyo inay Dawladu diyaarisay dhamaan dhaqaalihii loogu tallo-galay, maalin saddexaadiina Dawladu ay u gudbisay Komishanka doorashooyinka 3-da Milayn oo dollar oo loogu tallo-galay in lagu qabto Diwaangelinta codbixiyayaasha. Qodobka labaad ee Dawlada xil ka saaran yahay waxa weeyaan, waxaad ogtihiin in aynu ka go’nay dalkii Somaaliya, waxaad ogtihiin in Dawladani ay ku guulaysatay in la sunto ama loo abtiriyo dadkii dalkan Somaliland u dhashay oo loo samaynayo Kaadhkii dhalashada, waxaad ogtihiin in aanu xaaraan ka dhignay xaqa ay Ummada Somaliland leedahay oo ay ugu horayso xaqa doorashada in qof kaadhkaa Muwaadinimada sita mooyee qof kale aanu ka qayb-gelin doorashada, arrintaa Dawladu way ka soo baxday hawsheedii waxaanay maanta maraysaa gabo-gabo oo 70% ayaa dhamaaday, inta hadhayna bil gudaheed bay ku dhamaanayaan oo kaalintii Dawladu ku lahayd doorashada waa taa waanay ka soo baxday.”.
“Dawladu waxay masuul ka tahay inay dalkan ilaaliso Nabadiisa oo Muwaadinka reer Somaliland u fududayso oo isaga oo aan gabanayn oo baqanayn inuu guto waajibaadka uu xaqa u leeyahay ee ah inuu codeeyo, taasna waad la socotaan oo markhaatibaad ka tihiin oo waxa cad in aanay Dawladani diyaar u ahayn doorasho dib u dhacda, waxa cad in aan aanay Dawladani u baahnayn in muddo kordhin loo sameeyo oo ay diyaar u tahay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, waxase is weydiintu tahay xagay wax ka xun yihiin?, waxaynu ognahay in Dawlada Somaliland ay ku bixisay Diwaangelinta Muwaadinka 5 Milyan dollar. Waxa kale oo barbar yaalay Diwaangelinta codbixiyaha oo ah Kaadhka lagu codaynayo ay ahayd in beesha caalamka ama (International Community-gu) ay dhaqaalaheega bixiyaan oo ay u dhiibaan Komishanka doorashooyinka oo ilaa maanta wax laga hayaa aanay jirin, iyadda oo doorashadii ay ka hadhay muddo dhawr bilood ahi.”ayuu yidhi
Sidoo kale, wasirku waxa uu sheegay in cidna looga baqayn inay amniga wax yeesho, isla markaana hanbaad qoys iyo mid kooxeedna laga cabsi qabin, waxaanu yidhi “Dalkani waa nabad, waxaanay Ummadanu ku naaloonaysaa nabadgelyo cid wax yeeli karta oo aan weliba jeclahay in aan niyada idinku fadhiisiyo, dalkan, dawladan iyo Ummadanu waxay dhisteen nabad iyagu ay gacmahooda ku sameeyeen, mana dhici karto inay jiraan cid dhaq-dhaqaajin kartaa, weynu dhaafnay wakhtigii qofku hanjabi jiray, weynu dhaafnay wakhtigii kooxo ay hanjabi jireen, oo weynu dhaafnay wakhtigii ay Qoysas hanjabi jireen. Maanta waxaynu gacanta ku haynaa nabadgelyada dalkeena, waana hubaal oo waad ku seexanaysaan, kuwa khaldana waxaanu leenahay ILAAHAY ha idin soo hadeeyo oo saxa ha idin tuso.”
HALKAN KA DHEGAYSO: