“Nimanka maanta ku hanjabaya jiri-mayso 26 June Dawladni, waxa idinka baahan Dawlada diciifka ah ee Xamar lagu ilaaliyo ee Dastuurkeeda ku meel-gaadhka ah ku qoratay inay Somaliland ka mid tahay Somaaliya, kuwaasaa u baahan in lala hadlo ee looma baahnaa in aynu wada murano.”Muuse Biixi
“Dalka sharci ahaan waxaa jira saddex Xisbi Qaran, cidda aanu wax ka dhegaysanayno waa labada Xisbi Qaran iyo goleyaasha Qaranka,”Saylici
Hargeysa, Somaliland -Xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa dhoolatus balaaadhan oo uu ku muujinayo sida uu diyaar ugu yahay doorashooyinka ka dhigay magaaladda Hargeysa, waxaanu fariin u diray xisbiyadda mucaaradka ah.
Dad lagu qiyaasay lix kun oo qof ayaa iskugu yimid hoolka weyn ee hoteel maansoor, waxaana dadweynaha kala soo qaybgallay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi, Marwadda madaxweynaha Aamino Weris, xubno wasiiro iyo xildhibaanno iskugu jira.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay inay xukuumadda iyo xisbigeedduba diyaariyeen wixii kaga aadana qabsoomidda doorashooyinka, isla markaana aanay cidnaba ka aqballeen inay sharciga ka talaabsado.
Wasiirka ayaa sheegay in la dhaafay wakhtigii hanjaabadda, isla markaana aan qofna laga yeelayn inuu dastuurka ku xadgudbi, isla markaana koox iyo qoys toona amniga dalka waxba yeeli Karin.
“Waxaynu wada hadal la lahayn Somalia, waxay wada hadalkii u soo dirsadeen dad Somaliland u dhashay si ay u duudsiyaan xuquuqda dalkani u leeyahay gooni isku taagiisa. Waxa kale oo aan jeclahay inaan idiin sheego inay daan dhegaysan kuwo kale oo halkan jooga oo loo soo kiraystay dibin daabyada iyo fadqalalada dalkeena, taana indhaha ku haya, oo habeen iyo maalinba ka feejignaada” ayuu yidhi Wasiir Warancadde oo isku xidhaya hadaladda mucaaradka iyo xubnihii wada hadalka uga soo qaybgallay Soomaaliya ee Somaliland ka soo jeedda, isagoo xusay in aan qofna laga yeeli Karin wax amniga ka soo horjeedda inuu ku dhaqaaqo.
Gudoomiye xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo bandhigay heshiish dhexmaray xisbiyadda qaranka iyo madaxweynaha, waxaanu halkaasi loogu qaybiyey waraaqo madaxweynuhu u qoray dalalka ka caawiya doorashooyinka, isagoo sheegay in madaxweynaha ka go’an tahay in doorashaddu dhacdo, isla markaana xisbiyadda qaranka iyo madaxweynaha isku raaceen in diyaariyaan doorashooyinka.
Kaahin ayaa sheegay in xukuumadda iyo xisbigeeddu ay diyaariyeen waxyaalihii kaga xidhnaa dhankooda, haseyeeshee waxa uu dhaliilay gudoomiyaha golaha Wakiiladda oo ah gudoomiyaha xisbiga WADANI oo uu sheegay in aanu illaa hadda diyaarin xeerarkii lagu soo dooran lahaa xildhibaanadda golaha Wakiiladda.
“Xisbiga Kulmiye, isagoo dastuurka ku dhaqmaya, isagoo ku dhaqmaya Shuruucda kale ee ka dheeganta, waxa uu diyaar u yahay Xilliyadda Marxaladaysan ee Komishanka doorashadu u soo marayaan doorashada qabsoomideeda inuu taageero, tii ay soo saareena waanu taageersanahay, marxaladdaha kale ee doorashada loo maro marka ay xaaladdahan oo kale gashana Sharcigaanu ka taaganahay oo Sharciga ayaanu waafaqsanahay” ayuu yidhi Kaahin.
Sidoo kale, Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo isna Munaasibada hadal ka jeediyay ayaa sheegay inaanay soconayn in la kala diro Golaha wakiilada. Waxa uu ugu baaqay cidii golaha ka tirsan ee iskaga tagaysa inay fasax yihiin balse aqlabiyadda golaha wakiiladda oo uu ku tilmaamy kulmiye inay dalka u shaqayn doonaan haddii ay iskaga tagaan inta doonaysa buu yidhi in la kala diro golaha Wakiiladda.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in haddii doorashaddu dib u dhacday in aanay wax amni daro ah ka dhaceen dalka, isla markaana xukuumadda taladda haysa sii hayn doonto inta doorashaddu dhacayso, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Waxaynu ognahay inay guddida doorashooyinka qaranku ay sheegeen inay dib u dhacayso doorashadu, markii ay tilmaameen wakhtiga ay bilaabayaan Diwaangelintu inay ka danbeyso wakhtigii doorashada la geli lahaa (26 Juune),cid-walba waxaan u sheegaynaa haddii ay doorashadu dib u dhacdo xukuumadda haatan jirta, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka la doortay iyo Xisbiga KULMIYE ee talada waddanka hayaa ay si waafaqsan Dastuurka u sii hayn doonana talada waddanka inta doorasho laga gaadhayo,khalkhal gelin maayo degenaanshaha dalka,muran Siyaasadeed dalka gelin-mayno, mucaaridka waxaan ugu baaqaynaa inaynu ku gar naqsano Dastuurka oo wixii aad ku heshaan ayaad leedihiin. Walaalayaal dhowr iyo labaatankii Sanadood ee aynu xorta ahayn iyo saddex iyo tobbankii sanadood ee ay jireen Xisbiyada Xisbiyada Somaliland waxaynu ku jirnay marxalad aan qurux badnayn, dhinaca Siyaasada Xisbiyada qaranka waxaynu u sameysanay inaynu kaga baxno dib u dhaca Siyaasadeed iyo dhaqaale oo nolosheena aynu maanta joogno kaga baxno oo mid ka wacan ku gaadhno….Xisbiyada qaranka waxa laga filayaa inay falkiyaan tallo qaran oo mustaqbalka loo aayo, Waxase jirta markasta oo ay doorashooyin soo dhawaadaan inaynu galno Xaalad qasan, oo aynu isku marino Warbaahinta Cay, Qabyaalad, Aflagaado toosa, oo mararka qaarkood aynu gaadhno meel aad u liidata, dadka warbaahinta af-xumada marinayaa intay umaddu u aragto hormoodkoodii,kow waxa ka ah Siyaasiyiinta, Madax-dhaqameedka, Aqoonyahanka, Dhalinyarada, iyo Haweenka oo aan ka maqnayn.Maanta waxaynu xidhaynaa baabka caytanka iyo is-jiid-jiidka iyo aqoonta gaaban, waxaynu u guureynaa inaynu ka fikirno aragti dheer oo danta qaranka oo guul yeelanaysa,”
Muuse Biixi waxa kale o uu ka hadlay Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa la socota wxaanu yidhi “Maalmahan dhaweyto waxaynu maqlaynay ninka la yidhaahdo Cali Khaliif Galaydh ee gaadhsiiyay inuu Somaliland ku yidhaahdo “Wan Weyn ilaa la Gowraco indhihiisu Cirka ma arkaan”, Cali Khaliif waa nin Somalilander ah, waa raggii dalkan wax u bartay ee ay Somaliland waxbartay, waa raggii ka baxay Dugsigaa Sheekh, Cali Khaliif Galaydh waxa uu goob-joog u ahaa 1960-kii, go’aankii ay soo saartay guddidii mideynaysay shuruucda labada dal Somaliland iyo Soomaaliya,waan hubaa inuu Cali Khaliif akhriyay go’aankii uu soo saaray Garyaqaankii la odhan jirey Boolo Santiini, oo ahaa garyaqaan Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u soo wakiilatay inuu wax ka dhiso sharcigii lagu mideynayay Somaliland iyo Soomaaliya.Waxaan hubaa inuu Cali Khaliif goob-joog ka ahaa go’aanka ay soo saartay guddidu”
Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu balanqaaday inanay 26 Juune wax nabadgelyo darro ah dalka ka dhacayn, waxaanu yidhi“Xisbiga KULMIYE hadaanu nahay waxaanu umadda u balanqaadaynaa 26-Juune inuu dalku ammaan ahaanayo oo aanay waxba dalka ka dhacayn oo uu nabad ahaanayo.Nimanka maanta ku hanjabayaa 26 Juune Dawladi Jirimayso, waxaan u sheegaynaa cid kale ayaa hanjabaada idinka baahan, Xooga iyo buuqa aad halkan la imanaysaan, waxa inooga baahan dawlada dafiicka ee Xamar lagu ilaaliyo ee Dastuurkeeda kumeel-gaadhka ku qoratay inay Somaliland ka mid tahay, kuwaas ayaa u baahan in lala hadlo”.
Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa soo xidhay munaasibadan lagaga hadlayey sida uu xisbiga kulmiye diyaar ugu yahay doorashooyinka, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Iyadoo aynu ku jiro wakhti kala guur ah, doorashadu way qabsoomaysaa laakiin, arrimo farsamo ayay dib ugu dhacaysaa. Haddaynu nahay umadda Somaliland waxaynu halkan ku soo gaadhnay isku tashi iyo isku tanaasul, marna inagamay sal guurin inay wax inaga qaloocdaan, haddii ay qaloocdaana inagumay dheeraan, maantana wax inaga xumaanayaa ma jiro”.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in Xukumaddani tahay mid u dhego nugul Mucaaradka, diyaarna u ah inay kawada tashadaan Doorashada, diwaangalinta iyo guud ahaan danaha ka dhexeeeya. Waxa uu mucaaradka ugu baaqay inay hadaladooda ku saleeyaan xaqiiq “Sida Mucaaradka iyo inta soo raacdaa u hadlaan runtii mid anshaxa, islaamnimada iyo dadnimada ka baxsan weeye”.
Madaxweyne xigeenku waxa uu Sharci darro ku tilmaamay Madasha wadatashiga ee Mucaaradku la midaysan yahay “Dalka sharci ahaan waxaa jira saddex Xisbi Qaran, cidda aanu wax ka dhegaysanayno ee aanu la fadhiisanaynaa, ee doorashada ka wada hadlaynaa waa labada Xisbi Qaran iyo goleyaasha Qaranka,”