Bulshadda ku dhaqan Calgary ee dalka Canadda oo ka difaacay Eedeen iyo daclad lagu soo oogay imaamkii masaajidkoodda oo waxashnimo lagu soo oogay

0
344

Calgary, Canadda -qaybaha kala duwan ee Soomaalidda ku nool magaaladda Calgary ee dalka Canadda ayaa sheegay inay ka xun yihiin eeddo fool xun oo lagu soo eedeeyey imaamka masaajid ku yaalla magaaladaasi oo dacwad Fawaaxishi ahi uga socota dalkaasi.

Sheekh Cabdi Xirsi oo ah imaam masaajid ku yaala magaaladaasi ayaa lagu soo eedeeyey inuu sameeyey galmo anshax-darro ah ku kacay, iyadoo kiiskiisa dacwadiisa la sheegay in loo wareejiyo Mareykanka halkaasoo lagu maxkamadeyn doono.

Tan iyo markii uu tagay Sheekhu dalka Canada wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon bulshada Soomaaliyeed ee Canada ku nool, isagoo si dhow ula shaqeynayay bulshada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Muslimka ah.

 

Golaha Muslimiinta magaalada Calgary ayaa u doortay Sheekh Xirsi inuu ka noqdo Imaam masjidka magaaladaas ku yaalla, isagoo tan iyo xilligaas ahaa imaamka Masjidka Calgary.

“Imaamku wax lug ah kuma lahan dambiga lagu eedeeyay,” ayuu yidhi Abdul Jalil Elkedri oo xubin ka ah golaha muslimiinta magaalada Calgary dalka Canada.

Sidoo kale, xubnaha golaha muslimiinta Calgary ayaa waxay warbaahinta ku eedeeyeen inay si xun uga hadlaan eedeynta lagu soo oogay Imaamka Xirsi, iyagoo ugu baaqay in aanay ka tallaabsan sharciyada warbaahinta u yaalla oo aanay suurad xumeyn eedeyntan.

“Waxaan rumeysannahay in Imaamku aanu lug ku lahayn eedeymaha lagu soo oogay, balse waxaan dalbanaynaa inuu cadaalad helo,” ayaa sidoo kale lagu yidhi qoraal ay soo saareen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Calgary.

Ugu dambeyn, bulshada Soomaaliyeed ee Canada ku nool ayaa sheegay in Sheekhu uu u hayay howl wanaagsan, iyagoo sheegay inay garab-taagnaan doonaan illaa eedeymaha lagu soo oogay uu ka beenoobayo.