Gabaygan tooyasho iyo toogobeel waxaa curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa siyaasaddan qabyaaladda ku dhisan iyo saamaynta xun ama taban ee ay ku yeelatay bulshadda Somaliland, sida ay hogaanka qaranka iyo asxaabta siyaasiga ahiba ugu fashilmeen inay dadka qabyaaladda ka saaran oo ka guuran geeddi dheer.
Gabaygani wuxuu ka mid noqonayaa gabayada ugu dheer ee laga unkay xaraf-raaca Ta-da, waxaana ku jira in ka badan 500 oo ereyada Xarafka ta-da ku bilaabmaya intii ugu badnayd, taasi oo laga helayo ama dib u soo noolaynaysa ereyo badan oo isticmaal koodu yaraday in dhawayd; gunaanadka beydadka gabaygani waa duco,macnaha ereyadda ugu adag ee gabayga ku jirana waxaa lagu macneeyey halka hoose ee dhamaadka gabayga.
Taariikhda: 11 February 2015.
Cinwaanka Email: saadroodhiile@gmail.com.
Tixdii gabay beryahan maan tisayn,tuducyo dhaadheere
Tigraar aan u dhigay waa hora, weli ku taagnaaye
Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
Tigin meeris gudban dhaabi jiray, ma isku tiir tiirshay
Ma tusmeeyey dulucdiisa gabay, taxane weeyaane
Kolka gabay tufkii daawo sido, taabud weeyaane
Hurdadii habeen toos i yidhi, talal miyaan guuxay
Sida taleefan uu haatif wado, tuducyo ii keene
Anoo tamashle socod gaaban rabay, ma i taraarsiiyey
Meeshaan kolkii hore taglaa, tahan kolkaan dhaafay
Tabaabusho anoo gabay u daban,toddob sidii hoorye
Sidii niman taraag dheer ku jira, awrtii aan tu’inin
Oo tiigsan meel durugsanoo, gaadha toban geeddi
Buraashaday kabani taagnidiyo, socodkay toorayni
Anigana tallaabadan dhuftaba,gabay i soo taabye
Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
Afartaasi arartii tix-maal, togonkii ma u taagay
Tuduc kale dunida tamashle maray, gabayga taarkii dhe
Tog-wajaale ilamaa taleex, golliska buur teedsan
Badda xeeli taagyada sanaag, tokhoshi baasheeda
Giddigood kolkaan taar u diro, waysu tebiyaane
Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
Beershiyada iran tehran kuwaa, tuunis ku tacliima
Badhkaa ganacsi taylaan u tagay, shiine iyo taywan
Hiroshiima tokyiyo jabaan , moodhadhka tayoota
Taaj-mahaal buumbaydi hindiya, taamil sari laanka
Talaabibta falastiin qulqulad, tuuryadda gantaalo
Tennesiida maraykaan degiyo, beerihii taaksas
Taliska quruumaha midoobay, tawarkii niyuuyok
Togga webiga minasoota mara, tiimanka shikaago
Niyuu jersii dheegay ku taal, tarenton caasimadda
Xaruntaa tubeeka ee kansas, taaga koloraado
Misiisibii webiyo is tarraxay, cidhif baddii taabtay
Mantoonana samiirow dhex tegay, buuraleey taxane
Tallahaase faloriida iyo, joorjiya atlaanta
Talyaaniga faraansiyo turkiga, jaalyaddii toronto
Tirana iyo albaaniyada yurub, tanaladii noorway
Tijagistaaniyada bari xigtee, tidicii ruush goysay
Iglan goobaha totanham iyo hitrow, tagsigii biristool
Shifiil golaha taageeray qaran, foodki loo taagay
Tansaaniya yugaandhiyo kiinya, toogo iyo maali
Badda tooxle marinka jabuuti, tacisidaa yamani
Itoobiya tigreega maqale , harada weyn taana
Soomaali meeshaad tegtaba, waa tamuuxaase
Giddigood kolkaan taar u diro, waysu tebiyaane
Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
Afartaa taxtaxaashkii gabay, telekiskii caalam
Tuduc kale tixraac iyo dhigaal, qalin tawaadii dhe
Gabay iyo naftaydoo tallamay, tuducyo so maaxay
Tu’u gabaygu garab daar yidhiyo, tii qalbigu doontay
Talantaalli dood iyo sarbeeb, doobiga tandhaafay
Sidii daad takaariga jebsaday, tuuro soo kiciye
Waxaan taw guraa sidii amxaar, tiisi ma u raacay
Ilayn gabay tubtiis lama duwee, gees iskaga taagay
Murti tiimbad hirar aan dhexgalay, tiriyey oo sheegay
Markaan idhi xarfaha tee guhaan, gabay tasniifkiisa?
Wuxu yidhi ta-da gabay turqaday, bixi tafaasiisha
Mar aan idhi halkaa wuu turqiyo, hebelna wuu taaban
Wuxu yidhi shacbiga uma tudhaan, lagu tacshiireeye
Marbaan idhi adoo tacab dhaqaa, kaaga tabar roone
Wuxu yidhi dantii niman ka tegin, shicibku wuu tebiye
Marbaan idhi qallooc toosahayn, qalinka meel tiiri
Wuxuu yidhi tusaalee bulshadda, loo tawaan waaye
Marbaan meeris toddobaatan idhi, tiradu yay dhaafin
Wuxu yidhi hummaag gabay taswiir,tuducyo soo muuqde
Marbaan idhi turxaan yuu ka tegin, tarraqa baaruude
Wuxuu yidhi takhtar cudurka baadh, qarankan taahiiye
Marbaan idhi xisbiga ii tilmaan, talada loo dhiibo
Wuxu yidhi tareen aanad hubin, tigidhkii ha u goosan
Toos iyo si gaaraba haddaan, hoggo tusaaleeyey
Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
Afartaa tamuun taan u ganay, tiigsi ma u tuuray
Afar kale tisqaadkii xisbiyo, tu’aan saluugaayo
Xisbiyadan mabda’ii tiir lahayn, tooyasho mooyaane
Xisbiyadan tartiib iyo tixgalin, talo-wadaag oolin
Xisbiyadan kolkii talax-gabeen, beelihii talini
Xisbiyadan tukube ulaha booc, taayir rogi waayey
Xisbiyadan siyaasadda tigtigan,tiro yar kaa sheegan
Xisbiyadan qabiil shaadhki tolay, tamarna aan yeelan
Xisbiyadan ragii talin lahaa, tabashadii guuray
Xisbiyadan tahanbaabiddii,lagu tabaaloobay
Waxay tab iyo xeel moodayaan,waa tolla,ay madhane
Toddobadii dhashee urur saddexdii,taranka soo booday
Ee tiro dhibcihii loo tirshaa, taagan maantana e
Saddex taban mataanaysee ucid, waa tafiir qudha e
Isku taagan asxaabteena qaran, xeer toleedyada e
Adoo toban guyaal tiro ka badan, tacab la soo meershay
Cidlay kaaga tegi maalintay, tooda gaadhaane
Saddex daran mid uun toggo hadday, taladu taagnaayo
Sow cabdow waxaan taawilo nidhaa, tii shalay maaha?
Wax tar male qabyaaladdi dadkay, kala tagsiisaaye
Adhaxdiyo tun qaar baa ka jabay, oo takooreene
Takhaantukhin afkay u tuurayeen, tuutaley badani
Waa kii tawaawacay intuu ,diray tayaaq dheere
kolkii taagan tahay doorashay, tanag garaacaane
Tartan iyo hungurii kama hadhaan,tirsi ma daayaane
Tuur iyo tarbiico isku yeel, tahar ma gooyaane
Reerba reer intaa uu turfayn ,taransan maysaane
Middi middi ku taag iyo qabiil, taxadka gaadhsiiye
Dadku inuu kasoo taagan yahay , taasna ya u sheega?
Ma taqaane hankaad damac tidha, waa tabceeyaane
Ma toosne waxaay taabbagalin, taal horoo yaale
Ninkaan taano lacag buuxa hayn, foodki ka tasoobid
Tirtirsigii siyaasadan ligligan, la isku taag sheegtay
Tiigaalid dheer iyo himilo, qaran tubtii waaye
Taamilo kulmiye kuugu filan, turun-turoontiiye
Tahlid waaye shirweynihii xisbigii, ugu tun waynaaye
Tusmo iyo qabiilkii ergadii ,tuurta lagu qaatay
Waa kaa la tiictiici weli, socodka taag waaye
Tamuuxaay ka badan yihin ragay,tacab qasaarsheene
Faro madhnaan inay taagan yihiin, tollaw aya u sheega?
Tastuur xeer u yaal kuma dhaqmaan,waa tarjumad beene
Kolba hebelkay badhi taarayaan, loo tartar jeexye
Turub iyo ciyaar tiro-mutuxan, teeriskii badiska
Marna laba tagoogod may is duldhigin, tamani goodiiye
Toobalcaare dimuqraadigiyo , tuhunka beenoobay
Sidii dhidar badh ay toociyeen, taas ma loo joogay?
Bal aan taabto halkay boogtu taal, waad i tebayseene
Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
Maah-maah tiraabtii rag hore, taan ka soo gaadhnay
Saddexdii ragga u tayo xumaa, tiro ka saareene
Ma toshaha ma tashade iyo nimaan, kuu tashiilayne
Saddex kaa tirtira madaxtinimo, taabideediiye
Gacan gudhan dadkana aan wax tarin, tiyo ilaah siiyey
Gudoon jilicsan taladii saxoo, teeda garan waydo
Garta eexo tiiyood dulmiga, xumaha taageerto
Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
Tuduc kalena waxaan toogahayn, tagrifal koodiiye
Hore tuug hadduu baraq nugayl, cararka tuuraayey
Habeen yimid tiriig wayn mid sidan, toos u soconaaya
Dhulku taakin buur iyo bannaan, tafaqsigii roorye
Tulud geel ma deeqaan taggani, tuushe xoolaha e
Taaloog intuu goostay madax, kaa tun waynaaye
Turuq wayn ma yeesheen nimaan, taadu saacidine
Hadduu jaqafta toorrey ka siin, gacanta loo taagin
Toojo ba ninkii maali jiray, wuu todraac garane
Bal tabtaad ku qaban sheeg hadduu, kaaba tegi waayo?
Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
Afartaa siduu taangi riday,ma iska daba tuuray
Afar kalena waa teeri gabay, tabobar kaygiiye
Tuduc kale tilmaan waxaan holladay,taan u wada joognay
Tagto hore mid taariikh dhacdiyo, tani hadeer taagan
Dawladnimadda tiir waxaa dunshaa, tacaddi weeyaane
Dad cadhooday dhagax tuur haddaan, toogo laga baajin
Tarab-tarabka shicibkaa udhiman, lagu tacshiireeye
Yaa bixin tacriiftii cashuur, tarango weeyaane?
Haddii teello loo dhigan nafaha, taas mayeedheene
Tiiranyooday dhibaatadan dhacde,turuqday laabtiiye
Tacsi gabay togdheer waani diray, dhiigi tifiqleeyey
Tubtay qaaday taniba ka daran, tawraddii hora e
Askar tuuto xidhan oo wax miri, taas ma loo joogay!
Ma tumaatiyin reer iyo nimaad, hebel tidhaahdaane
Nin waraabe taagyadan arkaa, taash ma saareene
Waa taallo beenaad kolkaan, toosh iftiin shido e
Qof hadduu tabiino uu lahayn, tabar yar ood sheegto
Tahna uu abaalkii ka guddin, shicibki taageeray
Oo weli anaa taagan odhan, taniba waa yaabe
Madax jecel tahniyad iyo ammaan, loo durbaan tumaye
Turufoole yaal qayladiyo tookh, tunbuur yar moodayso
Oo tawtawda hadal aan wax tarin, tiil ku dhimanaaya
Tunbul reero maqashiinta qaw, taas ma loo joogay?
Tacluusta qabyaaladdan fidiyo, tiih bulshadii haysta
Qudhun huursan hogaan naga tirtira, tallow aya sheega?
Tobanaan kan kune wada sharaxan, tooyashiyo reero
Tabyaqaan siyaasiya lawaa, tammadin raac naaye
Sidii timir xabaal taal hadday, kaa tukaansaniye
Nin is yidhi laf madhan toobin saar, tuujin ku haraadye
Tuulo tuulo reeraha u shiray, taas ma loo joognay!?
Samatarow dad toodibo aan qabin, dabinka loo taaray
Oo taxadder foojigo war helin, talada gaadhsiine
Tijaarada haddii maalgashiga ,tuubo lagu nuugo
Tabqasee dhaqaalaha fagmiyo, taddawur kaa baaqday
Xukun iyo awood tasarrufkii, taas ma loo joogay!
Tacliintay dhigtaan jaamacado, kuma tanaadiine
Tacabkii dhaqaalaha ku baxay ,dayr la taagaayo
May ku taamin tiro-koob shaqada , inay ka tiirshaane
Saxaraha tahriib dheer hayaan, taniyo tiribooli
Talyaanigay u sii dhaafayaan, yurub intay tiigsan
Tahluukada badweyn lagu haligay, taas ma loo joogay!
Doorasha shinkeed taagan yahay, tebis hadduu mooday
Sow ma tirino talaatiin bishii, tahanta aan guurno?
Teeraan ciyaar lagu tartamo, teesaro diyaarin
Tabkac kordhintii guurtida la sugo, taas ma loo joogay!
Ninka foojignaa sida Tukaha, tuuryo lala waaye
Goortuu tabaysigii tashaday, garay tabtoodiiye
Tabco dhexe ninkii lala helee, tiinka lala jiidhay
Tiiftiifka hirigtay marsheen, taas ma loo joogay?
Taakh hore ragii cadho takh yidhi,ciil taftaafeene
Tamayuluq rag tii hore bursaday, taas ma loo joogay?
Ninkaan galin turaabida wathtigu, wuu is tarayaaye
Tuska jira kaliil roob cirkaa, tiixu soo muuqdo
Tincad qodax gabowda tifbay, kaaga sii tagiye
Mujin iyo taqsiin maalin qudha, loo tacaal badiye
Tiyoo ruuxba ruux uu tasayn, taas ma loo joogay?
Tiifiyadda dadkani taaganee, tororog laynaaya
Ee tuban habeen iyo dharaar, timocaddii odayo
Tiiqtiiqsi dhiiliyo colaad, tamadac weeyaane
Tafantaaca hadal riiq taraa, toobbonaan malehe
Taageeraday labo gacmood, tahan ku yeeshaane
Taharow tiknoolajiyadaa, loo tartamayaaye
Dalkeena wax badan tooyad reer,temmin ku miisaanay
kolkii Qaran tarwadhid uu ku jiro,waan tin guranaaye
Maadhiin ina tuyuubow adduun, tooman weeyaane
Foodkii kuwii naga tirtiray, wacadna noo toosin
In tahniyad abaal looga dhigo, taas ma loo joogay?
Afka tolan saxaafada la tigay, qufulka loo taagay
Garsoorka tarxiil loo jarriyo,xukun tahbiib yeedhin
Tarshad ceebay qarankii ku tahay, tiimbaro go’iine
Kolba nimankan tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tabayseene
Afartaa tacliiq gabay baxshiyo, taan u soo joognay
Tuduc kale tagxeel fikir u dhigay, tawlanaan gabay dhe
Marbay fari tog-dheer kula xushaa, tiigsi kaa dheere
Marna taako kuu joogsataa, gacantu taabtaaye
Marbaa xadhig taxii kaa murgaa, togidda diidaaye
Marna tidicyo dheer kuu mudhaan, oo tafniidaaye
Marbaad orodka taw aad tidhaa, taag ku soo celine
Marna tawsta ciil kugu gudhaa, taag yaraataaye
Marbaad tadhaq nin raga aad u dishaa, taada biiyaaye
Marna geesi tabantaabisaa, toogada awdye
Marbaad hilinka toobiye heshaa,iyo hoggaan toosan
Marna hantaaq taraaraxa dib dhici, tootiro habaare
Marbaad taqwoda iimaanka xoog, lagu tijaabshaaye
Marna dunidan sidaan laga tagayn, taab ibliis cadawe
Marbaad taad u dhaqaaqdaba danta, aad tudhsiisaaye
Marna talaabo shay gaadhayad, taabka gaabnaane
Marbaad toggag barwaaqa ah degtaa, midhaha tuushaaye
Marna tafantoof cayd iyo haraad, gali tahriib dheere
Marbaad dawlad taag weyn toolmoon,qaranku taabiciye
Marna tuulo reer kiinu yaal, taaj yar kuu toliye
Talanteel adduunkaa ku dhisan, taxad ilaa fooqe
Ninka tiirka eebbe cuskadaa, tooggo-beel gaadhye
Ku tuntuunso diinkiyo islaam, tani intaan joogto
Afartaa murtida taabagala, tax iyo weegaar dhe
Tuduc kale ducadii toobad doon, eebbe tu’an tuugnay
Eebbow calankan tawxiid ku yaal, dawladnimo taama
Eebbow tafaafulka qabyaalad, tafarruqay keentay
Eebbow qaranka towfiiqda maqan, tanaasul la waaye
Eebbow tagaaboda na sii, tawakalkii raacnay
Eebbow tusbaxan waxaan u rogi, waa tasbiixdaaye
Eebbow tafsiirkiyo quraan, nagu talaal laabta
Eebbow taxliil awliyo dhigtiyo, geesi na tilmaama
Eebbow talaammiidan badan, tacabbir yaaceene
Eebbow tufaaxaan tirsanay, takliif soo yeedhe
Eebbow ninkii taag yaraa, uma tudhaayaane
Eebbow caddaaladdi ma taal, kuwa taxaabeene
Eebbow tahdiid cago juglayn, gure taqsiir baase
Eebbow badhbaa taariigoo, tayga soo xidhane
Eebbow dhaar tallaahida guraan, taa’ib laga waaye
Eebbow aday taada tahay dunidan, taagan amarkaaye
Eebbow tamcaaroda baryada, ducada noo tiiri
Eebbow miskiin badh aan taakulayn,toob u soo xidhaye
Eebbow musheekh tabarruc badan, taqiya oo fiican
Eebbow takbiirtiyo dikriga, taajud kuu gaara
Eebbow tarbiyo iyo akhlaaq, dhawr taafiirtaayo
Eebbow tabaalaha adduun, talaf ha noo keenin
Eebbow ma tirin karo nimcada, taala dunidaaye
Eebbow salaadaan tukano, tiirkan ku hanuunay
Eebbow danbigii toobay nidhi, khayrkii nagu toosi
Eebbow khayraadkan tuushay dhulkani,taraqi weeyaane
Eebbow tuubo caano ah na sii, lama tahriibeene
Aamiin, aamiin
DHAMAAD
Macnaha Ereyada ku jira Gabayga:
Toogobeel = Baahi-beel, kaaftoon qofko ka maarma in gacan qof kale ku tiirsanaado
Tooyasho: Warsasho qofka reerka uu yahay, reer maad tahay, yaa tahay qabiilka.
Tisayn= ooda marka la is dulsaar saaro ee meel banaan loo diido, tis oo ah ka dhigid,
Tigraar= Qori lagu tiiriyo shay soo dhacayey, sare u qabta, kala haya laba shay oo isku soo ciiraya.
Tigin= Qodin yar oo dhulka lagu taago, sida biraha taanbuuga, ama hargaha marka la dhisayo.
Toorayni= Waa socod toos ah degdega oo aan leex-leexad lahay
Togon= Laan laga soo gooyo geed biri magaydo ah oo udub dhexaad guriga arooska ah lagu taago.
Moodhadh– gaadhiga ama baabuurka
Tawaad= Awood ama xoog, loo tawaan waaye
Tawaad 2= khadka madow ee looxa quraanka lagu qoro mulcaamadda
Tawaan = awood iyo tamar, loo awood waa
Toddob= roobka u horeeya ee gu’ga da’a
Tallamay= Tashi, ka feker waxaasi sidii noqonayo
Tirana= Meel magaceed, caasimada dalka albania
Tahan= Awood ama xoog
Tahan 2 Micno kale cabaar, masaafo, wa xoogaa
Haatif= waxaanad arkayn oo kula hadla
Taabud= wanaagsan, ama burji ficiin.
Tasayn= xaqirid, yaraysasho, fogayn
Tookh= Faan iyo is amaanid
Buraashad= Weyso yar oo biyaha lagu shubto
Tix-maal= Abwaanka qofka suugaanta tiriya
Tallahaase= Meel magaceed, caasimadda golbalka florida
Kansas = meel magaceed gobol maraykan
Tubeeka = meel magaceed caasimadda magaaladda kansas
Koloraado=Meel magaceed gobol ka mida maraykan
Taawilo= Wakhtiga soo socda wax ka sii sheegid, filasho
Tabaaloobid= dhibaatoobid, wax qof dhib ka gaadho
Tayaaq= Dhawaaq dheer oo gargaar lagu dalbanayo
Tahanbaabid=hungoobid, waayid waxaad filaysay
Toggo= Doorasho ama xulasho
Tasniif = suugaan qoris, gabay unkid ama bilaabid
Taamilo= Wax kugu dhacay oo cashar ama waano lagu qaato wixii kaa soo maray.
Taal = xeer hore
Tamuux= Ciida dhulka, wax tammuuxa ka badan
Tamani= Sawirasho ama ka fekerid arrin
Tartar= Dhinaca garabka ama feedhaha hoos tooda
Teeris= Ciyaarta turubk saddex waraaqood oo kolka isku beeg maan lagu badiyo
Doobiga=gorof weyn oo caanaha lagu shubo
Toogahayn= ka warqabid siday wax yihiin
Tafaqsi= Xoogsi aan loo aabbadayin
Todraac= xeeladda lagu maalo neefka diida in la liso
Teeri= Waran yar oo meel la qabsado leh
Tabiino= waxtar af ama adig ah oo aah tarto
Tahna= in yarna, wax yarna, inyarna ka ma soo helin
Turufoole= beenaale, qof dadka been u sheega
Tunbul= reero ama dad meel wada degan
Tunbuur= Dacaw yar ama dacawada midka lab
Tacluus= xanuun baahsan oo dadka mar ku wada dhaca
Tammadin= Qof ku dayasho mudan oo lagu hiran karo
Toodibo= Digniin qab, ka war qabid
Taddawur= Horumar iyo wax qabad
Tasarruf= wax sidaad doonto ka yeelid
Tanaadin=Barwaaqo gaadhid
Tahluuko= Dhimasho weyn oo dad ama xoolaba meel ku dhintaan
Tabkac= Arrin ama go’aan dhibaato mar lagu dhaafo
Tiiftiif= Jeex jeex dubka ama diirka sare ee qof
Taakh= Lugooyo ama ku hantaaq mid
Taftaafeene= Xanuun ku dhacay la caatoobid
Turaabida= kalma carabiya oo ciida ama carada
Tamadac= Hadal meel ka dhac ah hantaatac
Tafantac= Daan-daasi iyo gardaro
Tobboon= Wanaag, fiicnaan
Tarwadhid= Talaxgab, awood la,aan wax qabad
Temmin= qiime wax lagu goosto
Tahbiib= Diidmo ku qasbid wax aanad qof doonayn
Tahdiid= Caga juglayn iyo tacaddi dadka lagula kaco
Tooman= wax kala dhiman, sida bilaha dayaxa
Tarshad= biyo ku saydhin ama shay qoyan oo kale
Tiimbaro= shaanbadda xafiisyada waraaqda lagu qor
Tacliiq= faallo ka bixin wax la sheegay sida war
Tagxeel= farshaxanimada wax loo dhigo, sida hadal
Tawlanaan= Wax isku habaysan oo isku duba ridan
Togidda-= Furfurmida xadhiga ama taxa
Tafniid= Kala baandhayn, kala bixbixid
Tadhaq= Nacas qof nacas ah oo seedi u dhanaanayn
Tootiro= Qof nasiib daran oo meeshu joogo roob ku helin
Taab-gaabni= Adin gaabni, cag culays
Tafantoof= qaq iyo qaxoonti, bayhoof
Toolmoon= Wanaag, wax fiican oon nusqaan lahayn
Tagaaboda= Taageerada caawimada
Tacabbir= Tahriib ama dhalandhool
Taa’ib= qof danbiga ka toobad keena
Tamcaaro= Duco ama alla bari dadku isku yimaado
Talaf= Dhibaato ama masiibo timaada
Taraqi= Qani ama barwaaqo horumar(kelmad carabi)
Teeraan= Garoonka ku bada lagu ciyaaro
Tulud= Neef geela
Tanaladii= kelmad ingiriisi, godadka buuraha hoos mara ama ka dhex dusa.
Tooxle= Balaadhan ama balac aweyn
Tammuun= Tuuryo sida warmaha
Toobal-caare= Shay la kala ergisto
Mantoona = meel magaceed, Gobol maraykan ka mida
Misiisibii= meel magaceed., gobol ka mida maraykan
Tu’in= fadhiisinta awrka, awrka tu,i =fadhiisi
Taw= xoog u ordid, u dhaqaaqid, taw dhe
Taw= macne kale gabayga ugu jirto, erey xabashi ah oo macnihiisu yahay u kaadi, jooji, daa,
Guhaan= qof wuxuu sheego la arko sida gabayaa
Hummaag= sawir aan sifiican u muuqan sida midka abwaanku arko marka gabay tirinayo.
Tarraq= kabriid ka dabka laga shito
Tahar =hilib and baruur iyo jiidh mida ahayn
Tarbiico= iin lugo qalqalooca dadka qaar
Taangi=kaara dagaalka
Tawrad= dawlad sida tii kacaanka soomaaliya
Tabqas= dhaqaale khasaarin
Maqale= meel magaceed,maqaalad quumiyada tigreegu degto ee itoobiya
Hilin= dariiq, waddo
Tebis= neefka dhedig marka uu rimi waayo, uur qaadi waayo.
Tahlid= shay u awood waayid, ama haleelid waayid
Taraarax= siibasho hoos loo dhaco
Cinwaanka Xidhiidhka: saadroodhiile@gmail.com
Fiiro-gaara: Kelmaduhu waxay u kala horeeyaan sida beydadka gabaygu u kala horeeyaan inta badan.