“Hadday Gaadho 26-ka June Dacaaddii iyo Waajibkii Dastuurku Igu Farayay Dawladda U Hogaansan…” Gudoomiyaha Madasha

0
352

Hargeysa, Somaliland – Gudoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay inay haatan caddaatay inaan doorashada Madaxtooyada iyo wakiiladu ku qabsoomi doonin muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa, sidaas darteedna wixii 26-ka June ka dambeeya aan Nina ninka kale ka xigin Kursiga.

Waxa uu ku dooday inay dhamaatay Sharciyaddii lagu doortay Golaha xukumadda iyo kan wakiilada. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo maray waddadii uu Madaxdii ka horaysay ku dhaliili jiray ee ahayd muddo kordhinta, islamarkaana Ballamihii uu bulshada u qaaday beenoobeen.

“Waxaynu Ognahay labada gole ee xeer dejinta(Wakiilada iyo Guurtida), qolana 20 sanno ayay sharci darro ku fadhidaa, qolana sannadkii 10-aad baa u dhamaanaya, Madaxweynaha iyo Xukumaddiisana waxay ka dhamaanaysaa 26-ka June. Markaa waxaynu nahay dal aan lahayn Sharci lagu xukumo wixii ka dambeeya 26-ka June. Madaxweynaha waxaan leenahay intaynaan halkaas gaadhin ee aynaan iskugu soo bixin meel aanay jirin cid cid xukunta aynu ka tashanno” ayuu yidhi Xasan Guure Oo  ka hadlayay kulan Madasha iyo Xisbiyadu yeesheen.

Gudoomiyaha Madasha oo sii hadlaya ayaa sheegay in Sharcinimada Madaxda Somaliland ee Wakiilada iyo Xukumaddu dhamaanayso 26, wixii ka dambeeyana aan sharci lagu ixtiraamayaa jirin “Sharcigii aynu isku xukumaynay wuu dhamaaday, Maalinta 26-ka June markay gaadho Nin Nin kale ka xiga Kursigu ma jiro, oo Sharci ahaan kaga xiga, Ninkii xoog kaga xigayaa isagay u taale”

Mujaahid Xasan Guure, waxa uu intaasi raaciyay “Wararkak Xukumadda iyo Xisbigeeda ka soo baxayaa, waxay sheegayaan in Xukumaddu waddo shir balaadhan oo Dadka Xaafaddaha la soo Ururiyo la odhanayo waxay taageerayaan Xukumadda, iyadoo la isticmaalayo Awooddii Umadda iyo Miisaaniyadda qaranka, Ciidankii, Warfaafintii dawladda, intaasina waa awooddii qaranka oo nina gaar uma laha, Dawladda intaasba maanta wada qaatayna doorasho lagu hallayn maayo”

Wuxuu soo jeediyay Mudane Xasan Guure in wada tashi la iskugu yimaado inta ka horaysa 26-ka June “Aniga Dastuurku wuxuu I faray in ilaa 26-ka June 2015 Madaxweyne ii ahaado Axmed Maxamed Siilaanyo, Xeerka golaha wakiilada ka soo baxana aan qaato laakiin, haday maalintaas dhaafto Daacaddii dastuurku igu waajibanayay inaan dawladda u hogaansamaa wuu iga dhamaaday ee dawlad aan u hogaansanno aan wada dhisanno” ayuu yidhi Xasan Guure.

Hadalka Xasan Guure, ayaa imanaya maalin uun ka dib markii Komishanka doorashadu sheegay in 27-Ka July ay bilaabi doonaan diwaangalinta codbixiyeyaasha arrintaasi oo muujisay inaan dalka doorasho ka qabsoomi doonin 26-ka June.