Hargeysa, Somaliland – Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, ayaa war qoraal ah oo uu ka soo saaray Qorshe hawleedka Komishanka doorashadu maanta shaaciyay ee ah in Aakhirka bisha July ay bilaabi doonaan diwaangalinta codbixiyeyaasha.
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID
WAR MURTIYEED
Date: 9/3/15
Komishanka Doorashooyinku waxay manta soo saareen Qorshe Hawleedkii Diiwaangelinta Codbixiyaha oo ay ku cadahay inu liiska kama dambaysta ah ee codbixiyaasha doorashoonka Madaxtooyada iyo Wakiiladu ay soo saari doonaan hadii Alleh yidhaa 31ka Bisha November ee sanadkan.
Hadaba xisbiga UCID wuxu hore shacbiga Somaliland ugu sheegay in aanay doorashadu ku qabsoomayn wakhtigii loogu talogalay oo ahaa 26ka June, in kasta oo Madaxwanaha iyo xukuumadiisu ay mar walba ku celcelinayeen inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomayso been cadna ay dadka u sheegayeen. Waxa ilaahay mahadii ah in Qorshe Hawleedka Komishanku soo saaray uu u marag furay xisbiga UCID
Qorshe Hawleedkan Komishanka Doorashadu maaha wax kedis ku ah Xisbiyada Qaranka iyo xukuumadda midna ee wuxu ku yimi wada tashi iyo kulamo joogto ah iyo weliba wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysay Komishanka iyo Xisbiyada Qaranka.
Sidaa daraadeed Xisbiga UCID wuu soo dhawaynayaa go’aanka Komishanka iyo Qorshe Hawleedka ay soo saareen isaga oo tixgelinaya marxaladda xasaasiga ah ee dalku marayo iyo duruufaha adadag eek u xeeran guud ahaan suurtogal nimada doorashooyin xor iyo xalaal ah
WA BILAAHI TAWFIIQ
Cali Maxamed Yussuf( Caligurey)
Ku simaha Gudoomiyaha