Hargeysa, Somaliland – Wasiirka cusub iyo Wasiir Ku Xigeenka cusub ee Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa maalintii Shalay xilkii wasaaraddaasi kala wareegay wasiirkii hore Md. Cali Siciid Reygal.
Munaasibadan xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta hoolka xarunta wasaarada ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jira wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin, marti-sharaf iyo shaqaalaha wasaaradda. Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay Agaasimaha guud Ee Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu wasaaradda ciyaaraha ku soo dhaweeyey wasiiradda cusub ee xilka wasaaraddaasi la wareegay sidoo kalena waxaa uu sharaxaad ka baxiyey baaxada iyo wax-qabadka wasaaraddaasi waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Wasaaraddani waa wasaarad runtii aad iyo aad u baxaad weyn waa wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha waxaana aynu ka wada war qabnaa in boqalkiiba toddobaatan (70%) bulshadeenu ay dhallinyaro tahay, cida ugu horeysa ee u adeegta waa wasaaraddan waxaana maanta {shalay} farxad weyn dhamaanteen u ah in wasaaraddan oo la aasaasay sannadkii 2000 in maanta uu xilkeedii u wareejinayo Wasiir Cali Siciid Reygal, waxaana wasaaradda soo maray 6 wasiir oo wasiirkani lix ku yahay. Wasaaraddani marxalado kala duwan ayay runtii soo martay waxaana ay wasaaraddu ka kooban tahay afar waaxood oo kala ah dhallinyarada, ciyaaraha, dalxiiska, iyo maamulka. Wasaaraddu waxay ka shaqaysaa oo xafiisyo ku leedahay dhamaanba gobollada iyo degmooyinka Somaliland “ ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.
Dhanka kale waxaa iyaguna madasha hadalo kooban ka yidhi oo dardaaran iyo dhiiri-gelinba u badan Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Shaqaalaha ,Guddoomiyaha xafiiska Xuquuqul Insaanka Somaliland, Guddoomiyaha Dallada SONYO, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Masuulyiin kale waxaana dhamaan ay masuuliyiinta xilalka la wareegay ILAAHAY uga baryeen in xilkaasi ku asturo isla markaana wasiirka wasaaradda laga bedalayna isna ILAAHAY xilkiisa cusub ku asturo.
Wasiirkii hore ee wasaaradasi ciyaaraha Md. Cali Siciid Reygal oo madasha ka yidhi hadalo kooban oo soo dhaweyn u badan ayaa waxaa uu masuuliyiinta xilka wasaradda loo magaacaabay uu ku soo dhaweeeyey wasaaradda waxaana uu madasha ka akhriyey wax qabadka wasaaradda muddadii uu xilka hayey waxaana uu yidhi “Runtii hadalka badankiisii waa la yidhi waxaana aan wax ka odhan doona oo aan guud mari doona wixii wasaaraddan khuseeya. Mudane wasiir Axmed Cabdi Kaahin iyo wasiir ku xigeenkaaga Yuusuf Cismaan Garas waxaan si sharaf iyo xushmed leh idiinku soo dhaweynayaa wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland oo madaxweyne Silanyo idiin soo igmaday anigana ii igmaday wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland. Wasaaraddani waxaa ay u taagan tahay fullinta waajibaadka dastuuriga ah ee xukuumaddu u wakiilatay fullinteeda, waxaanan wasiir iyo wasiir ku xigeen mar labaad si sharaf leh idiinku leeyahay ku soo dhawaada wasaaraddii dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland “ ayuu hadalkiisi ku soo koobay Md. Cali Siciid Reygal.
Gabo-gabadii waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka cusub ee wasaradda ciyaaraha Md. Maxamed Cabdi Kaahin waxaana uu sheegay in uu ILAAHAY ka baryayo in xilkaasi ku asturo, isla markaana u ka shaqeyn doono sidii uu hore ugu sii wada laha guulaha ay gaadhay wasaaradda ciyaarahu oo uu xilkeedii la wareegay. Ugu dambeynbtii waxaa uu wasiirkii hore ee wasaradda ciyaarahu uu xilkii ku wareejiyey masuuliyintaasi cusub iyaga oo dhanka kalena ay shaqaalaha wasaaradaasi shahaado sharafyo ku maamuuseen wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Md. Cali Siciid Reygal.