Dhegayso: Mamulaha Shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashid Maxamed Sicid Oo Ka Waramay Ujeedada Uu Xambaarasan yahay Shir Maalgashiga Ganacsi O Ka Furmay Magaladda Nairobi

0
356

Nairobii, Kenya – Shirkan Caalamiga ah ee maalgashiga dalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay Safaradda Mareykanka ee ku taala dalka Kenya iyo shirkadda lagu magacaabo Shuraako, waxaana ka soo qeybgalay Ganacsato, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka socota hay’adaha samafalka oo axadii shalay ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo socon doona mudo 3 maalmood ayaa waxaa diiradda la saari doonaa habka ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ganacsatada ajaaniibka ah ay maalgashi ugu sameynsan lahaayeen Soomaaliya iyo Somaliland oo fursado maalgashi ka furmeen.

Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Saciid oo waraysi siyay idacaada VOA-da ayaa sheegay in shirkan ay ka soo qeybgaleen boqolaal ganacsato Soomaali iyo ajaaniib ba kuwaas oo danaynaya in ay ka faa’ideystaan fursadaha maalgelineed ee Soomaaliya iyo Somaliland.

“Shirkan inta uu socdo waxaa la kala saxeexan doonaa heshiisyo maalgashi, iyadu ay goobjoog shirkan ganacsato iyo maalgeliyiyaal oo anay wax siyaasad ah ku lug lahayn.” waxaa yidhi Cabdirashiid Dahabshiil.

Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada ka soo kala jeeda Soomaaliyaa iyo Somaliland oo shirka ka qeybgalaysa ay intooda badan ka yimaadeen dalka inkastoo ay jiraan kuwo ka kala yimid Wadamada kale ee caalamka, waxaa sidoo kale jira ganacsato ajanab ah oo shirkan lagu casuumay.

Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshii Cabdirashiid Dahabshiil ayaa ugu dambeyntii sheegay in markii ugu horeysay ay tahay in ay dowladda Mareykanku ay qabato shir maalgashiga Soomaaliya iyo Somaliland lagaga hadlaayo, waxana talaabadasi muujinaysa sidii horumar shacabiga lo gadhsiin lahaa.

DCADFE35-C670-4022-8D45-453F4B53871E_w640_r1_s

 

HALKAN KA DHEGAYSO: