Shan Kontiinar oo Sigaar Dhacay oo Lagu Gubay Magaladda Berbera

0
334

Berbera, Somaliland – Magaalada Berbera ee gobalka Saaxil ayaa shalay lagu gubay shixnad ka koobnayd shan kontiinar oo sigaar ah oo u dhiganta shan kun oo kartoon ama tanakadood oo Sigaar wakhtigogii u dhacay.

Sigaarkan dhacay ee la gubay waxa dalka keentay dabyaaqadii sanadkii hore shirkada magaceeda la yidha AWIL GROUP OF COMPANY’s. Ha’yada dhowrista iyo illaalinta Tayada agabka Somaliland oo fulisay hawl-galka shixnadan sigaarka dhacay islamarkaana ay go’ansadeen in lagu gubay.

Agaasimaha Ha’yada Dhowrista iyo illaalinta tayada Somaliland ee gobalka SaaxilMuxiyadiin Cumar Cabdi, oo isla goobta lagu gubayay sigaarka warbaahinta la hadlay wax aka mid ahaa hadaladisa, “Waxaan halkan ku gubi doonaa annagoo ah ha’yadii tayada agabka (quality control) oo kashanayna masuuliyiintii gobalka, maaliyada kastamka, dekadda iyo dowlada hoose iyo laamaha ku shaqada leh oo dhan sigaar kaas oo dekeda Berbera ka soo degay oo ahaa shan kontiinar xiliga uu soo degayna ay ahayd bishii 7/12/2014.”

Sarkaal-kaasi waxa uu balan-qaaday in badeecad kasta oo dhacday la gubi doono.  Mukiilaha shirkada AWIL GROUP OF COMPANY, Cawil Cowl, ayaa sheegay in adduun badan uu ku khasaarey Sigaarkan dhacay ee la gubay oo noociisu ahaa Imperial Royal. Ka dib markii ay ogaadeen wakhtiga u dhicii dono uga hadhsaneyd mudo yar, kuna wargaliyay ha’yadaha ku shqada leh inay waajibaadkooda shaqo ka gutaan oo ay gubaan. Sigaarkan ayaa lagu gubay meel masaafo ahaan u jirta magaalada Berbera 15 km.