MADXAF Lagu Kaydinayo Ataarta Qadiimka Ah Oo Laga Hirgaliyey Hargeysa

0
384

DSC01288(2).JPG

Hargeysa, Somaliland – Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa soo ban-dhigatay xarun ay ku soo uruuriyeen Aataarta Qadiimka ah ee Somaliland caanka ku tahay, taasi oo laga hir-geliyey guddaha xarunta Wasaaraddaasi.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Md. Cali Siciid Reygal ayaa xaruntan xadhiga ka jaray, waxaana munaasibadda lagu daah-furayey Madxafkan oo muhiim u ah Dalxiisayaasha Somaliland yimaadda ka  soo qeyb-galay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawada Md. Cumar Cabdi Aadan iyo Madaxda waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda.

Ku xigeenka Waaxda Dalxiiska ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Mr. Cabdisalaan Maxamed Shabeele oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faah-faahiyey, isla-markaana sharaxay muhiimadda Aataar Qadiim ah oo Madxafkaasi lagu soo ban-dhigay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhagaxaan qoran oo loo eekaysiiyey AADAME iyo waxyaabo kale oo aad u tiro badan, halka uu sidoo kale ku soo ban-dhigay meelaha gaarka u ah dalxiisayaasha dalka yimaadda ee la geeyo.  “Sannadkii hore meelaha aanu dalxiisayaasha ugu talo-galnay waxa tegay ilaa 800 qof oo dalxiisayaal ah, sannadkana waxa dhulkaa dalxiis ahaan u tegay ilaa 500 qof, waxaanuna ka qabanaa Dakhli, barnaamijkana waxa sameeyay Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha (Oo imika loo beddelay Wasaaradda Dib-u- Dejinta)…..” ayuu yidhi Mr. Shabeel.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa  sheegay in Madxafkani muhiim u yahay qaranka guud isla-markaana wax ka tarayo dalxiisayaasha Somaliland yimaadda, maadaama oo ay ku keydsan yihiin Aataar Qadiim ah oo dhammaantood la yaab leh. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isaguna amaanay hir-gelinta Madxafkan “Wasiir (Cali Siciid Reygal) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaruhu waa labada masuul ee soo ban-dhigay Madxafka intaasi leeg intii wasaaraddu soo jirtay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi uu ku daray “Dalkeenana meel kale iska daayo, waxa Qaniya halkan aynu joogno (Wasaaradda Ciyaaraha) waayo waxaaba innala jooga Dhashii Hodan (Cilmi Boodhari Iyo Hodan)…”.

Ugu dambeyntii Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ciyaaraha, Dhallinyarada iyo Dalxiiska Somaliland, Md. Cali Siciid Reygal oo isagu soo gunaanaday Xafladdaasi ayaa yidhi “Qorshaha xukuumaddu waxa weeyaan in Madxafyada noocan ah la ballaadhiyo oo la sii waddo haddii ILAAHAY yidhaahdo. Waxaan aad ugu faraxsanahay aniga oo amaan iyo mahad-naq u jeedinaya waaxda Dalxiiska iyo cid kasta oo gacan ka geysatay in goobtan qurxoon lagu soo uruuriyo taariikhda faca weyn ee dalkeena, waana mid qarankeenu uu u baahnaa. Aniga waa la iga beddelay Wasaaradda Ciyaaraha, laakiin Wasaaradaha Somaliland iyo qaranku waa isku mid, qof walbana halka loo beddelo ama loo dhiibo ayuu xil ka saaran yahay inuu si daacad ah oo sharaf leh uga shaqeeyo” ayuu hadalkiisi ku soo gaba-gabeeyay.

 

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????