Hargeysa (CH)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii u horeysay ka hadashay go’aamo ay Xilalkii Qaranka u hayeen iskaga casileen Wasiirradii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Wershadaha Abiib Diiriye Nuur oo labadoodu shaaciyey inaanay la sii shaqayn doonin xukuumadda Somaliland.
Sidoo kale, Xukuumaddu waxa ay jawaab ka bixisay dhaliilo kaga yimi Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Siyaasiyiinta ku midoobay Madasha wada-tashi oo shalay ku dhawaaqay Isbahaysi Mucaarad munaasibad ay ku qabteen magaalada Hargeysa. Waxaanay mucaaradku isla qaateen inaanay ogolaan muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda marka ay gaadho wakhtiga loo muddeeyey doorashooyinka oo ku beegan bisha June ee sannadkan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta saxaafadda ugu warramay magaalada Hargeysa, waxa uu ugu horeyn ka hadlay isla markaana wax laga weydiiyey wasiirrada Iska casilay xilalkii ay xukuumadda ka hayeen.
HALKAN KA DAAWO
Codkahargeysa.com
Codkahargeysa@gmail.com