“SAMAALE Wuu Ka Siibtay Salaankii Siyaasada, Waxaanu Lumiyay Fursad Dahabi Ah Oo Uu Ku Soo Gaadhay Nasiib.” Aadan-Dhoolayare

0
323

Hargeysa, Somaliland – Wasiirkii hore ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Md.Aadan Axmed Cilmi (Aadan-Dhoolayare) ayaa ku tilmaamay is-casiladii Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, kadib markii uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan ku sameeyey isku shaandheyn Golihiisa Wasiirada,inuu kaga siibtay salaankii Siyaasada, isla markaana waxa uu lumiyay fursad dahabi ah oo uu ku soo gaadhay nasiib, isaga oo ku taliyay inay ahayd inuu xejisto kursiga hadba looga dhiibo xukuumadda si aanu u seegin hamigii uu lahaa.

Aadan Dhoolayare waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay oo uu caawa nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hayaannews.com ee Magaalada Hargeysa.

Waxaanu u dhignaa sidan:

“Waxaan ka faaloonaya, isku-shaandhayntii galaafatay Wasiirkii Maaliyadda, ee ka midka ahayd muqarabiinti madaxtooyada. Siyaasadu saaxiib joogta ah malaha laakiin waa maslaxad kolba joogta halka ay dantu ugu jirto.

Haddii aynu wax ka taabano sababta keentay in Samaale laga bedelo Maaliyada maxa keenay?. Waxaynu la socona in beryihii u dambeeyay aad loo hadal hayay Wasiirka Maaliyada oo ah khasnajiga guud ee xukuumadda,oo ku isticmaalayay dhaqaalihi yara ee lagu aaminay Casuumado iyo dhaameel fara baddan oo u qaybinayay taageerayaashiisa waa sida suuqa la la dhex-marayay, laakiin Casuumaduhu oo weliba ah tirooyin dad ah oo xad dhaaf ahayd waa dhab oo cid waliba wey og-tahay markaa eed maaha haseyeeshe ‘[Dhaameel qaybintu waa la sheegayay in odayaasha wax loo dhiib dhiibay waanay dhici karta Casuumadaha dabadood in Qaadka la isu qaado waa dhaqankeena.

Siyaasada la isma amaahiyo, waa laga yaaba inuu Samaale aaminsana in madaxtooydu raali ka ahayd xafladaha uu samaynayay ee ahayd kaambaynka aan wakhtigeeda joogin, iyadoo madaxweynihi qaranku ku cel-celiyay inuu musharaxan-yahay ama uu weli kursiga fadhiyo,marka aan loo baahnayn Wasiiro barbar carara Madaxweynaha.

Weliba aanay meesha qaban nin xil xukuumadeed haya oo Wasiirkii lacagta ah inuu si badheedh ah u kharash gareeyo maaliyadii qaranka ee lagu aaminay. Waa laga yaaba inay lacagtaasi ahay jeebkiisa,laakin caqliga Caafimaadka qaba wuxu inoo sheegaya haddii damac madaxnimo ku galo marka hore iska wareeji hantida umadda ee aad hayso.

Taasi waxa uu ku kasban lahaa sumcad-weyn waxaanu u muuqan lahaa nin damac leh oo cidladaa isa soo taagay waa sida xalaasha ah.

“Ka dar oo Dibi dhal” waxa ta ka sii daran Samaale markIi laga bedelay wasaaradIi wuxuu ku andacooday madaxweynuhu ilama tashan iska aamus lahayda. Iska daa inuu iska casilo maaliyadda wuxuu ku dooday inaan laga bedeli karin Maaliyadda.Yaab ma la odhan kara Samaale waa siyaasi ta kale fule xanti ma mooga wuu la socday in Warkiisu suuqa iyo makhaayadaha yaalay inuu isticmaalayo Maaliyadii qaranka marka waxa ka haboona sida dabeecadaha siyaasiyiinta marka uu maqlo xantaas inuu iska casilo jagada, laakin inuu yidha Kuma qanacsani xilka la ii dhiibay looma fadhiyin arrin siyaasada ku jirana maaha. Haddii aynu soo qaadano Tusaale wanaagsan.TaarIikhda haddiI aynu dib-u-raacno ILAAHAY ha u naxariistee Madaxweyne Cigaal,markii uu Siyaad Barre xidhay, ee la soo daayay wuxu u magacaabay Safiirka Hindiya isagoo Ra’iisal-wasaare ahaa, haddan wuu u yeedhay markaasu xidhay,hadana inta uu soo daayay ayuu u magacaabay Chambar of Commerce. ama rugta ganacsiga ee Soomaaliya.

Maxa kalifay inuu Cigaal aqbalo xilalka aan u qalmin ee uu qaatay isaga oo ra’iisal wasaare sharci ah ahaa oo kii inqilaabay u magacaabay manaasab aan u qalmin. Wey caddahay wuxu ahaa nin damac leh oo ka fakirayay maruun inuu fursad ka helo siyaasada. Wuxuu ahaa nin aad u fahansana siyaasada kuna soo galay siyaasada isaga oo soo xaraashay dhaxalki aabihi ee hantida u ahaa. Maxaynu odhan kara hadaba Siyaasada uu ku dhaqmay Samaale, maaha nin u bisil siyaasada isla marka ku yimi si fudud xilalkii uu soo qabtay nasiib ayuu ku helay habeena lamuu kulmin tartan kifaax uu ku helo kursi.

Samaale wuu ka siibtay salaanki siyaasada manuu garan hab-dhaqanka siyaasada.Waxaanu lumiyay fursad dahabi ah oo uu ku soo gaadhay nasiib waxa haboonayd inuu xejisto kursiga hadba looga dhiibo xukuumada si aanu u seegin hamigii uu laha eee kula tartamayay ragga ay iska soo horjeedeen oo maanta guulaystay .

Si kastaba ha ahaate, maanta raggi damaca muujiyay waxa kubaddu dhex taala Mujaahid Muuse Biixi iyo Wasiir Biixi Yoonis, “Nin habari dhashay hal ma seegi waayo”,wey seegtay siyaasadi loo soo dhigay Samaale sidaana wuxu kaga hadhay kursigi uu hiigsanayay mana filayo inuu sumcad ku helay oo waad aragtaan durba in kursigii uu ka siibtay loo tafa xaydan yahay waxay ku tusaysa inaan siyaasada lays amaahin, waxaan maanta gawsdambeedka ka qoslaya Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi markii uu Samaale si fudud uga baxay garoonki Ciyaarta.

Kubadduna waxay dhex-taala labada haddii naftu inagu sinto la arki doona wakhtiga dhaw siday noqoto masraxa siyaasadu.”

Mustafe-Janaale

Hayaannews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:janaale94@gmail.com