Hargeysa, Somaliland – Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaciyey in laba todobaad gudahood ay ku dhamays tirayaan mashruucii balaadhinta Dhabada Dayuuradaha ee Madaarka Cigaal.
Wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa sidoo kalena sheegay in la bilaabay samaynta Laydh suuro galinaya in diyaaraduhu ay habeenkii ka dulaan madaarka Hargeysa.
“Maanta waxaan kormeer shaqo ku gaalaabixiyey garoonka caalamiga ah ee Cigaal oo ay ka socdaan mashaariic badan oo kala duwan.
Si gaar ah waxaan ugu kuurgalay dhabaha dayuuradaha cusub ee lagu kordhinayo tii hore oo haatan EEBBE mahadii uu dhamaaday lakabkii koowaad ee 6CM ahaa (DBM) ee daamurka ahaa oo dhan 1250 Mitir. INSHA ALLAH ku tallo galkayagu waa in aannu dhamays tirno lakabka labaad ee hadhay laba todobaad gudahood. Xiligii aan kormeerka ku jiray waxaan la kulmay khuburadii Mashruuca Ilaalinaysay oo gudanaya shaqo maalmeedkoodii caadiga ahaa, ee ay ku hubinayeen Tayadda iyo toosnaanta shaqada socota.
Dhamayas tirka korodhsiimadani waxay ka dhigaysaa dhabaha Dayuuradaha cusub ee uu yeelan doono Garoonka Cigaal 3700 oo Mitir, sidoo kalena waxaanu kordhin doonaa qaybta barxadda diyaaradaha lagu parking-gareeyo iyo Taxi-way labaad oo la samayn doono.
Dhinaca kale waxaan soo indho indheeyey shaqadii Garoonka laydhka Duulimaadyada habeenimo suurto galinayey (Landing lighting System) oo la bilaabay. Mashuurcan waxa maalgalinaysa Xukuumadda Somaliland, waxaanu dhamaanayaa dhakhso Idamka EEBBE.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.